Skip to content
Tuesday, September 22, 2026 9 Rabi al-Thani 1448 AH Isha 19:01
Muqdisho 26°C
Breaking: 29 Years of Planting Hope, Developing People and Rebuilding the State
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Xiddig Man United Ah Oo Isagoo Murugeysan Sawir Laga Qaaday

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Aaron Wan-Bissaka ayaa isku maadeystay ka dib markii Man United ay 5-0 ku xasuuqday kooxda RB Leipzig kulankii Champions League.

Daafaca midig ee Ingariiska ah ayaa ciyaaray 81 daqiiqo kulankii xlaay ka hor inta uusan bedelin Axel Tuanzebe.

Sawirkii ay ciyaartoyda Man United iska qaadeen ka hor ciyaartii Old Trafford ayaa intooda badan waxaa ka muuqday jawi farxadeed.

Laakiin inkastoo Fred oo dhinac joogay uu dhoolacadeynayay, Wan-Bissaka wuxuu u muuqday mid murugeysan.

22 jirkaan ayaana ciyaarta ka dib is ogaaday in sawirkii uu la galay asxaabtiisa inuu ahaa mid murugeysan.

Wuxuu Twitter ku soo qoray: “Reer United waxaan ku dhaaranayaa inaan dhoolacadeeyo… waan idiin balanqaadayaa lol #AWB #MUFC”

Taageerayaal badan oo Red Devils ayaa durbadiiba fariimo fiican u diray xiddigii hore ee Crystal Palace.

Mid ayaa u qoray: “Miyaad dhoolacadeyneysaa ka dib qaab ciyaareed kale oo waali ah oo aad soo bandhigtay?”

Mid kale ayaa isna yiri: “Alla maxaad ciyaar kale oo fiican soo bandhigtay!”

Mid seddexaad ayaa faalo ku bixiyay: “U daafaco kubada sidii caawa, markaas kama walwali doono haddii aad dhoolacadeyso iyo haddii kale.”

Mid afaraad ayaa ku amaanay: “Daafaca midig ee ugu fiican dunida.”

Mason Greenwood ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Ole Gunnar Solskjaer kulankii xalay isagoo shabaqa soo taabtay daqiiqadii 21aad.

Marcus Rashford oo bedel ku soo galay ayaa labo gool oo degdeg ah dhaliyay daqiiqadihii 74aad iyo 78aad.

Anthony Martial ayaa rigoore ku afareeyay halka Rashford uu seddexleydiisa dhameystirtay waqtigii dhimashada ciyaarta.

How do you rate this story?

0 votes