Xil Ciid: Villa Soomaaliya ayaa ka dambeysa in xildhibaanada laga mamnuuco inay saxaafadda kula hadlaan baarlamanka

Isniin, September, 9, 2024 (AX) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si adag uga horyimid go’aan dhawaan kasoo baxay guddoonka baarlamaanka, kaasoo xayndaabka baarlamaanka ka mamnuucaya in xildhibaanadu ay ku qabtaan shir jaraa’id ama wareysi saxaafadeed.

Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid, oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid lagu caburinayo saxaafadda, isagoo ku eedeeyay in uu yahay tallaabo ay ka dambeyso Aqalka Soomaaliya.

“Waxaa nasoo gaartay in baarlamaanka hortiisa laga mamnuucay in idaacadaha lagula hadlo, suurtagal ma ahan, wax na qabtana ma ahan. Waxaan u hadalnaa dadka cabashada qaba, raalli kama nihin in nala caburiyo,” ayuu yiri Xildhibaan Ciid.

Xildhibaan Ciid ayaa sidoo kale sheegay in Aqalka Soomaaliya ay si toos ah uga dhex milantay baarlamaanka, isaga oo adkeeyay in xildhibaanadu ay xaq u leeyihiin inay u madax bannaanadaan inay la hadlaan warbaahinta oo ay ka hadlaan wixii qaldan.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa arrintaan ka jawaabay isagoo sheegay in xildhibaanada dood ka qaba go’aankaan ay xafiiskiisa ugu yimaadaan, si ay uga wada hadlaan.
Arintaan ayaa keentay muran iyo su’aalo badan oo ku saabsan sida loo xakameynayo xuriyadda warbaahinta iyo ra’yiga xildhibaanada gudaha baarlamaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More