Chelsea Oo Guushii Ugu Horreysay Ee Champions League Ka

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul weyn kasoo gaadhay waddanka Ruushka oo ay ugu tagtay naadiga Krasnodar oo ay kusoo garaacday 4-0.

Chelsea oo kulankii hore barbarro goolal la’aan ah garoonkeeda Stamford Bridge kula gashay Sevilla ayaa u safartay Ruushka, waxaana shax uu isbeddel badan ku sameeyey Lampard ay awood ugu yeelatay inay libintii ugu horreysay ee xili ciyaareedkan tartanka Champions League ka diiwaangashato.

Blues ayaa bilowgii ciyaarta heshay rikoodhe uu ka khasaariyey Jorginho oo afartii rikoodhe ee ugu dambeeyey laba ka mid ah lumiyey, waxaase qaybta hore gool ugu aftaxay weeraryahanka reer England ee Callum Hudson-Odoi.

Qaybtii labaad ayay Chelsea guusha si dhab ah u xaqiiqsatay, waxaana gool labaad u dhaliyey Timo Werner, waxaanu goolkani ahaa rikoodhe loo dhigay markii ay Krasnodar gacan ku qabatay kubadda.

Goolka saddexaad ayaa waxa isku qoray Hakim Ziyech oo kulankiisii ugu horreeyey ee Champions League ah ugu soo bilowday Chelsea, waxaana uu shabaqa si fudud ugu leexiyey kubbad ay kasoo shaqeeyeen Pulisic iyo Werner.

Christian Pulisic ayaa goolka afraad u dhaliyey Chelsea iyadoo ciyaartu sii dhamaanaysa, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 4-0.

Dhinaca kale, PSG ayaa guul 2-0 ah kasoo gaadhay kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksehir oo ay marti u ahayd, waxaanay kusoo garaacday 2-0.

Ciyaartan oo waqti hore dhaawac lagaga saaray Neymar Jr ayaa waxa PSG labada goolba u saxeexay laacibka Moise Keane oo u noqday shimbirka ay ku badbaadaan, iyadoo uu laacibkani horena goolal ugu soo dhaliyey.

Shaxdii Krasnodar vs Chelsea

CHELSEA (4-2-3-1): Edouard Mendy; Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, Kurt Zouma, Ben Chilwell; Jorginho, Mateo Kovacic; Callum Hudson-Odoi, Kai Havertz, Hakin Ziyech; Timo Werner.

Kaydka: Willy Caballero, Karlo Ziger, Reece James, Fikayo Tomori, Andreas Christensen, Emerson, N’Golo Kante, Mason Mount, Christian Pulisic, Olivier Giroud, Tammy Abraham.

KRASNODAR (4-2-3-1): Matvey Sofanov; Evgeni Chernov, Aleksandr Martynovich, Kaio, Igor Smolnikov; Tonny Vilhena, Daniil Utkin; Cristian Ramirez, Yuri Gazinskiy, Kristoffer Olsson; Marcus Berg.

Kaydka: Andrey Sinitsyn, Leon Sabua, Maksim Kutovoy, Vladislav Litvinov, Shapi Suleymanov, Evgeni Gorodov, Eduard Spertsyan.

Frank Lampard oo ciyaarta u arkayay inay fududdahay ayaa waxa uu isbeddelo ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Sevilla usbuucii hore, waxaana uu gebi ahaanba ka yimid laacibka reer Brazil ee Thiago Silva, halka uu difaacana keenay Antonio Rudiger oo ciyaartii ugu horreysay kusoo bilowday xili ciyaareedkan. Mateo Kovacic ayaa kusoo garab bilowday Jorginho, sidoo kalena Hakim Ziyech ayaa iska dhex helay shaxda koowaad, balse waxa kaydka kusoo wada bilowday Christian Pulisic, Olivier Giroud iyo Tammay Abraham.

Isla markii uu garsoore Ali Palabiyik afuufay siidhiga bilowga ciyaarta, waxa qalad sameeyey laacibka khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Kai Havertz oo kubaddu ka baxsatay. Utkin ayaa kubadda kusoo liishaamay goolka Chelsea, waxaana badbaadiyey goolhaye Mendy.

Chelsea ayaa iyaduna markeeda tijaabisay goolhayaha Krasnodar ee Sofanov, waxaana kubbad uu kasoo shaqeeyey Azpilicueta ay u tagtay Ziyech oo isaguna laag hoose kula beegsaday dhinaca soo xigtay ee goolka, waxaase kubaddaas shabaqiisa ka joojiyey Safonov.

Daqiiqaddii 13aad ee ciyaarta ayaa Chelsea loo dhigay rikoodhe aanu shaki ku jirin oo aan meelna laga soo hubin kaddib markii uu Kaio qalad ku galay Werner.

Jorginho oo kubadda laagtay ayaa dhinaca kale u diray goolhayaha laakiin nasiib-darro waxa uu kubaddu ay kusoo dhacday birta iyadoo dib ugu soo laabatay Werner oo ku celiyey laakiin isagana aanay u suurtogelin inuu shabaqa gaadhsiiyo.

Rikoodhahan ayaa ah kii labaad ee Jorginho uu khasaariyo afartii rikoodhe ee ugu dambeeyey ee Chelsea uu u laago, kuwaas oo soo afjaray siddeed jeer oo xidhiidh ahaa oo uu rikoodheyaal soo dhaliyey.

GOOOAAAAALLLL! Krasnodar 0-1 Chelsea! Ziyech ayaa si cajiib ah kubbad ugu dhiibay Kai Havertz oo isaguna kusii quudiyey Hudson-Odoi oo dhinaciisa bidix joogay, waxaana uu laacibkani laag hoose ku dhaafiyey goolhaye Safonov.

VAR oo laga soo hubiyey goolkan ayaa u go’aamisay Chelsea inay dabbaal-degi karaan oo goolkoodu sax yahay.

Qaybta hore ayaa waxay kusoo dhamaatay fursado waaweyn oo Chelsea ay heshay daqiiqadihii ugu dambeeyey iyadoo Azpilicueta iyo Havertz ay ku dhowaadeen inay shabaqa soo taabtaan.

Kooxda martida loo ahaa ee Krasnodar ayaa qaybtii labaad heshay fursad weyn oo ay iska lumiyeen, waxaana kubbad waxyar birta u dusheeda u mariyey Gazinskiy.

Frank Lampard ayaa hal mar sameeyey saddex beddel, waxaanu saaray Jorginho, Kovacis iyo Callum Hudson-Odo, waxaanu keenay N’Golo Kante, Mason Mount iyo Christian Pulisic kuwaas oo ciyaarta wax  badan ka beddelay.

RIKOOODHEE!! Chelsea ayaa loo qabtay rikoodhe kaddib markiii uu Pulisic xerada ganaaxa keenay kubbad gacanta kaga  dhacday Martynovich, waxaana lagu dhigay rikoodhe.

GOOOOAAAAALLLLL! Krasnodar 0-2 Chelsea! Timo Werner ayaa kubadda qaatay maadaama uu baxay Jorginho, waxaana uu weeraryahanka reer Germany si xarrago leh kubadda ugu hubsaday shabaqa iyadoo uu ciyaartana ka dhigay 2-0.

GOOOOAAAAALLLLL! Krasnodar 0-3 Chelsea! Saddex daqiiqadood oo kaliya kaddib ayay Chelsea heshay goolka saddexaad ee ciyaarta, waxaana u dhaliyey saxeexa cusub ee Hakim Ziyech oo xerada ganaaxa loogu geeyey kubbad ay kasoo wada shaqeeyeen Pulisic iyo Werner.

Ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayay Chelsea heshay gool afraad oo uu u dhaliyey Christien Pulisic oo shaqo badan ka qabtay garoonka 20kii daqiiqadood ee uu ku jiray.

Dhinaca kale, PSG ayaa guul kala soo laabtay waddanka Turkey oo ay ugu tagtay Basaksehir oo ay kula soo ciyaartay caasimadda Istanbul.

Kulankan oo dhaawac lagaga saaray Neymar Jr ayaa waxa PSG ay ku rafaadday inay gool dhaliso, laakiin waqti dambe ayuu ka farxiyey Moise Keane oo daqiiqaddii 64aad goolka koowaad u dhaliyey.

Laacibkan da’da yar ayaa mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 79aad, hoggaankana usii dheereeyey kooxdiisa, waxaanay guushu ku raacday PSG 2-0.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More