Shaxda Rasmiga Ah Ee Chelsea vs Krasnodar – Lampard Oo

Chelsea ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay xilli ciyaareedkan ee Champions League ka dib markii ay barbaro kala kulmeen isbuucii la soo dhaafay kooxda Sevilla ee dalka Spain.

Kooxda Ingariiska ayaa caawa joogta ah dalka Ruushka iyagoo la ciyaaraya kooxda reer Russia ee Krasnodar kuwaasoo taageerayaasha labaad ee ugu badan ku leh dalkaas.

Tababare Frank Lampard ayaa isbedelo ku sameeyay shaxdiisa isagoo markii ugu horeysay ku soo bilaabay saxiixii xagaaga Hakim Ziyech kaasoo weli aan ku soo bilaaban shaxda Blues tan iyo markii uu ka soo wareegay Ajax.

Waxaa sidoo kale shaxda ka soo muuqday daafaca cadaadiska uu saaran yahay ee Rudiger kaasoo ka garab ciyaara Zouma halka Hudson-Odoi isna fursad la siiyay caawa isagoo khadka dhexe ka garab ciyaara Jorginho iyo Kovacic.

SHAXDA RASMIGA AH:

Krasnodar: Safonov, Smolnikov, Kaio, Martynovich, Chernov, Vilhena, Gazinski; Utkin, Olsson, Ramírez, Berg

Chelsea: Mendy, Azpilicueta, Rüdiger, Zouma, Chilwell, Hudson-Odoi, Jorginho, Kovacic, Ziyech, Werner, Havertz

Dhanka kale kooxda PSG ayaa iyadana shaacisay shaxdeeda kulanka ay caawa la ciyaarayaan Istanbul Basaksahir.

Tababare Tuchel ayaa ku soo shirtagay shax ciyaareedka 4-2-3-1 iyadoo Di Maria, Neymar iyo Mbappe ay ka danbeeyaan weeraryahan Kean. Halka Herrera iyo Marquinhos ay khadka dhexe ka ciyaarayaan.

PSG ayaa raadineysa inay wadada guusha ku soo laabato ka dib guuldaradii isbuucii la soo dhaafay ka soo gaartay Manchester United.

PSG XI: Navas – Florenzi, Danilo, Kimpembe, Kurzawa – Marquinhos, Herrera – Di Maria, Neymar, Mbappé – Kean.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More