Barcelona Oo Sheegtey Inay Ku Biireyso Tartan Cusub Oo Suuqa
Tartan cusub oo loogu magacdaray European Premier League oo in muddo ah la hadal hayay ayaa haatan u muuqdo mid si rasmi ah u dhaqangalaya iyadoo ay hor boodayaan kooxaha Liverpool iyo Manchester United.
Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu oo shalay iska casilay xilka madaxtinimada ayaa sheegay in kooxda La Liga ka dhsian ay aqbashay inay ku biirto tartanka cusub ee suuqa looga saarayo Champions League islamarkaana ay isku baheysanayaan kooxaha ugu taajirsan Yurub.
Kooxaha kale ee ogolaaday inay tartanka cusub ka mid noqdaan waxaa ka mid ah Real Madrid, PSG, Atlético Madrid, AC Milan, Inter, Bayern Munich, Liverpool iyo Manchester United.
Horyaalka cusub oo loogu magacdarayt European Premier League, waxaa la doonayaa inay sameeyo qaabka NBA-da iyadoo kulamada kala baxa ee ugu danbeeya lagu ciyaarayo hal garoon, waxaana taageeraya tartankaan bankiga JP Morgan kuwaasoo ku saacidaya qaban qaabiyayaasha tartanka lacag gaareysa 5 bilyan euro.
Haddii qorshaha tartanka uu hirgalo waxaa la filayaa in la qaban doono bisha September 2020, labo bilood ka hor Koobka Adduunka ee ka dhacaya dalka Qatar.
Milkiilayaasha Mareykanka ee kooxaha Liverpool iyo Barcelona ayaa hor boodaya tartankaan cusub iyagoo maalgashi ka raadinaya bankiyada ugu waa weyn dalka Mareykanka.
Sida ay sheegayaan Sky Sports iyo Sports Illustrated kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa iyagana si weyn u xiiseynaya tartanka si la mid ah Barcelona oo durbaba aqbashay inay ka qeyb noqoneyso.