Juventus vs. Barcelona – Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Cristiano

Juventus iyo Barcelona ayaa caawa isku haleelaya magaalada  Turin, waxaanay foodda isku dari doonaan ciyaar hadal haynteedu badnayn oo taageereyaasha soo xasuusisay finalkii Champions League ee 2015 ay labadan kooxood iskugu yimaaddeen.

Cristiano Ronaldo ayaa hadal-haynta ugu weyn ay ahayd maadaama uu ku dhacay Korona Fayras oo saddex jeer baadhitaano lagu sameeyey si loo ogaado haddii uu bad-qab ka yahay xanuunkan, waxaanay jamaahiirtu xiisaynayeen haddii ay markii ugu horreysay Lionel Messi iyo Ronaldo kulmi doonaan tan iyo markii uu laacibka reer Portugal ka tegay Real Madrid sannadkii 2018kii.

Labadan kooxood oo markii iskugu dambaysay ay ahayd finalkii 2015 oo tababaraha hadda ee Juventus ee Pirlo uu ciyaartoy ahaa, waxa libintii ugu dambaysay ay gacanta ugu jirtay Barcelona.

Ciyaartii Champions League ee toddobaadkii hore, waxay Juventus heshay guul 2-0 ahayd oo uu goolasha u dhaliyey laacibka ay amaahda kaga soo qaateen Atletico Madrid ee Alvaro Morata, balse waxay dhibaato ka haysatay kulamada maxalliga ah oo saddex ka mid ah afartii ciyaarood ee Serie A ay barbarro galeen, waxaana ku jiray laba barbarro oo kooxaha yaryar ee Crotone iyo Hellas Veraona ay ku qabteen.

Cristiano Ronaldo ayaa xalay si rasmi ah ay usoo baxday natiijadii ugu dambaysay ee baadhitaan laga qaaday shalay oo lagaga hubinayey Korona Fayras oo ku dhacay intii lagu maqnaa kulamadii caalamiga ahaa ee badhtamihii bishan, waxaana natiijadani ay shaacisay inuu wali hayo xanuunku, taas oo meesha ka saartay inuu ka qayb-galo ciyaarta caawa.

Juventus ayaa rajaynaysa inay garoonkeeda Allianz Stadium saddexda dhibcood kaga heli doonto Barcelona maadaama afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay garoonkeeda ku ciyaartay ay dhamaantood guuleysatay, isla markaana afar mar oo kaliya lagaga badiyey 42kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee tartamada Yurub ah.

Dhinaca Barcelona, laba kulan oo ay Valencia iyo Celta Vigo kaga soo badisay isku-darka 7-0, ayaay si degdeg ah u gashay qalalaase, waxaana laba guul-darro oo isku xiga u dhiibay Getafe iyo Real Madrid, kuwaas oo soo dedejiyey in xalay ay iscasilaan Madaxweyne Bartomeu iyo dhamaan madaxdii kale ee kooxdu.

Inkasta oo ay kulankii Champions League ee hore kasoo badisay kooxda yar ee Ferencvaros, haddana waxay Barcelona meel aan la rumaysan karin kaga jirtaa horyaalka La Liga oo ay fadhido kaalinta 12aad.

Barcelona waligeed kumay guuleysanin garoonka Juventus, waana dhibaato kale oo ay caawa la kulmi doonaan sidii ay taariikhdaas xun u baabi’in lahaayeen, balse waxay rikoodh wanaagsan ka haystaan kooxaha Talyaaniga ah oo lixdii jeer ee ugu dambeeyey aan marna laga badinin, halka 18kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee kooxdo Talyaani ah ay iska hor yimaaddeenna ay laba mar oo kaliya guul-darro la kulantay.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Juventus vs Barcelona

Tartanka: Champions League, kulamada  labaad

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Allianz Stadium

Garsooraha: Danny Makkelie (Netherlands)

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Cristiano Ronaldo ayaan ciyaari doonin oo aan ka hor tegi doonin laacibka ay sida weyn u xafiiltamaan ee Lionel Messi oo aanay is-arag tan iyo markii uu ka tegay Real Madrid.

Laacibka reer Portugal oo 15 gool ka dhaliyey 20kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu ka hor tegay Barcelona dhamaan tartamada, waxa uu caawa ku maqan yahay xanuunka Korona Fayras oo baadhistii shalay lagu sameeyey ay muujisay in uu wali hayo xanuunku.

Juventus waxa dhaawac kaga maqan Giorgio Chiellini oo ka daba tegay Matthijs de Ligt oo hore dhaawac ugu jiiifay. Difaaca bidix ee ereer Brazil ee Alex Sandro ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka maqnaado ciyaartan. Laakiin Paulo Dybala ayaa kusoo bilaaban doona oo hoggaamin doona kooxdiisa maadaama uu maqan yahay Cristiano Ronaldo.

Dhinaca Barcelona, waxa ganaax kaga maqan Gerard Pique oo kaadh cas qaatay kulankii Ferencvaros ay 5-1 ku garaaceen usbuucii hore, sidoo kalena Samuel Umtiti ayaan wali diyaar ahayn.

Ronald Araujo iyo Celement Lenglet ayaa la filayaa inay difaaca wada-qabtaan, halka goolhaye Neto uu ka hor tegayo kooxdiisii hore maadaama uu dhaawac ku maqan yahay Marc-Andre ter Stegen.

Philippe Coutinho ayaa dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Clasico ee Real Madrid, waxaanu garoomada ka maqnaanayaa muddo bil ah, waxaana la filayaa inuu kusoo bilowdo Miralem Pjanic oo xagaagii ka tegay Juventus iyagoo isweydaartay Arthur oo isaguna Juventus ay filayso inuu door muhiim ah ka qaato kulankan.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Juventus: Szczesny; Demiral, Bonucci, Danilo; Chiesa, Bentancur, Rabiot, Cuadrado; Ramsey; Dybala, Morata

Barcelona: Neto; Dest, Araujo, Lenglet, Alba; Pjanic, De Jong; Dembele, Messi, Fati; Griezmann

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More