Skip to content
Monday, October 12, 2026 29 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:45
Muqdisho 24°C
Breaking: One Killed, 11 Injured in New Attack on Riyadh Airport
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Guuleed oo soo saaray war ka duwan midka

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Muqdisho (Axadle) – Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay habraacyadii ku soo baxay war-murtiyeedkii shalay uu soo saaray Golaha Wadatashiga Qaran, xili ay diideen Golaha Midowga Musharaxiinta.

- Advertisement -

Cabdikariim Guuleed oo kamid ah xubnaha midowga musharaxiinta ayaa sheegay in dalka uu xiligan u baahan yahay horu-socod, islamarkaana ay muhiim tahay in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud.

Waxa uu sheegay in daraasad iyo wada-tashi dheer kadib uu qaatay in uu soo dhaweeyo natiijada ka soo baxday shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, oo lagu soo saaray habraacyo doorasho oo inta badan doorashada Golaha Shacabka u gacan gelinaya madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale waxa uu ku booriyey madaxda Golaha Wadatashiga Qaran iyo guddiyada loo igmaday doorashooyinka ay xil weyn iska saaraan habsami u socodka doorashooyinka, kuwaasi oo ku qabsooma si lagu wada kalsoonaan karo.

Golaha Midowga Musharixiinta oo uu xubin ka yahay Cabdikariin ayaa war-murtiyeed maanta kasoo baxay lagu diiday habraacyadii shalay laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa habraaca Golaha Shacabka ku tilmaamay mid dusha sare magac doorasho ka sito, laakiin gudihiisa uu yahay magacaabis toos ah.

How do you rate this story?

0 votes