WAR CAD: Madaxweynaha Barcelona Ee Joan Laporta Oo Si Cad U Sheegay

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa si toos ah u caddeeyay in weeraryahanka kooxda ee Antoine Griezmann uu yahay mid suuqa laga heli karo oo iib ah.

Kooxda Catalan-ka ah ayaa badhtamaha kaga jirta xaalad dhaqaale oo adag waxaana ay ku dhibtoonaysaa inay dirto qaar kamida ciyaaryahanadeeda si ay u xaqiijiyaan in loo diiwaan geliyo saxeexyada cusub sidoo kalena heshiis cusub uga saxeexdaan Lionel Messi.

Griezmann ayaa ah ciyaaryahanka ugu muhiimsan ee ay doonayaan inay iska fasaxaan xagaagan sababtoo ah inuu mushahar ahaan 300,000 oo pound ka qaato toddobaadkii.

Iyadoo Joan Laporta uu qirtay in Griezmann uu yahay mid laga jecel yahay kooxdooda haddana waxa uu sheegay inay muhiim u tahay inay iibiyaan si ay u xaliyaan mushaharaadka aadka u badan ee ay bixiyaan.

“Griezmann waa ciyaaryahan suuq leh oo ay kooxo xiisaynayaan, anaguna waxaanu dhisaynaa safka kooxda si aanu u helo isku dheelitir dhaqaale” ayuu ugu horreynba yidhi Joan sida uu soo xigtay wargeyska Mundo Deportivo.

“Antoine, anagu wax dhib ah kuma qabno, waanu jecelnahay isaga laakiin haddii uu suuqu dhaqaaqo waxaanu u furanahay dhammaan dalabaadka sababtoo ah waxaanu ku jirnaa wakhti xasaasi ah oo ay tahay inaanu isku dheeli tirno sharciga dhaqaale wanaaga sidaas darteedna waa inaanu la hadalno dhammaan ciyaartoyda si aanaan u dhaawacin iyaga ama (Haddii aanu dhaawacno) sida ugu yar aanu u dhaawacno”

“Waxaanu samaynaynaa isku dheelitiryadan waxaananu u furanahay dhammaan dookhyada uu suuqu na siin karo laakiin ma doonayno inaanu tartan ahaan kooxda dhaawacno”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More