Rooble oo loo gudbiyey caqabadaha hor taagan doorashada Aqal…

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federaalka.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga  Doorashooyinka heer Federaalka  kula dardaarmay in ay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Guddiga doorashooyinka ayaa Ra’iisul wasaaraha u gudbiyay in caqabadaha ay heysta ay kamid yihiin dhaqaalle yarida iyo in wali aysan soo gaarin dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada labada Aqal.

Waxaa kaloo sheegeen in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamulada qaarkood ayasan wali soo gudbin liiska xubanaha ku tartamaya Aqalka Sare.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa guddiga u sheegay inuu kala shaqeyn doono sidii loo xallin lahaa cabaqadaha hor taagan qabashada doorashada.

Kulanka Rooble iyo guddiga Doorashooyinka heer Federaalka ayaa imaanayo xilli ay muuqato dib u dhac ku yimid waqtigii loogu talagalay qabashada doorashada xubnaha aqalka sare oo lagu heshiiyey in la qabto 25 illaa 27 bishaan July.

Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe ee Jubblanad ayaa u muuqada maamulka kaliya ee diyaarka u ah inuu waqtigeeda ku qabto doorashada aqalk sare, waxaana Kismaayo ka socdo dhaq-dhaqaaqyo dhanka doorashada ah.

Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku maqan fasax, waxaana la filayaa inuu shaqada dib ugu soo laabto 10 Agoosto taasoo muujineyso in maamulka Galmudug uusan doorashada aqalka sare ku qaban karin waqtigii lagu heshiiyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More