I Fasaxa!! – Xiddig Chelsea Ah Oo Wacdarro Kusoo Dhigay Euro Oo Kooxda

Daafaca bidix ee kooxda Chelsea ahna mid kamida xiddigihii xulka Talyaaniga kusoo hoggaamiyay Euro 2020 ee Emerson Palmieri ayaa lagu soo warramayaa inuu kooxdiisa ka codsaday in la iska fasaxo.

Shabakadda ree Talyaani ee Calciomercato.com ayaa sheegaysa in Emerson uu Blues u sheegay inuu bixitaan doonayo xilli uu xiiso ka helayo kooxda Napoli.

Heshiiska uu Emerson Palmieri kula joogo Chelsea ayaa ah mid dhacaya xagaaga dambe ee 2022 balse kooxda ayaa haysata dookha ay 12 bilood oo kale ku kordhin karto waana halka ay kalsoonida ka qabto.

Napoli ayaa la aaminsan yahay inay dalab 20 Milyan oo euro ah ka gudbisay Emerson balse kooxda ree London ayaa daafaceeda bidix ku qiimaysa ku dhawaad laba jibaarka lacagtaas.

Wadahadalada u dhaxeeya labada kooxood ayaa ah kuwo soconaya, Chelsea ayaan wax dhib ah u arki doonin haddiiba ay qiimaha ay doonayso ku hesho iibka 26 sano jirkaas maadaama oo ay booskiisa usii haysan doonto Ben Chilwell iyo Marcos Alono.

Napoli ayaa u muuqata ilaa haatan kooxda ugu cad cad saxeexa Emerson balse kooxda tababare Luciano Spaletti ayaa loolan kala kulmi karta AS Roma iyo Inter Milan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More