Skip to content
Friday, September 25, 2026 12 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:38
Muqdisho 25°C
Breaking: Knife attack at Polish abbey kills one and injures at least four
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Qaata Griezmann Oo Keena AFAR Ciyaartoy! Barcelona Oo Man City U

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Laacib

Barcelona ayaa isku dayaysa in ay meesha ka saarto weeraryahanka reer France ee Antoine Griezmann, waxaanay u bandhigtay Manchester City oo aanay waliba wax lacag ah ka doonaynin.

Kooxda reer Catalonia ayaa ku hawlan sidii ay u dhimi lahayd mushaharka ciyaartoydeeda, waxaanu Griezmann yahay laacibka labaad ee ugu mushaharka badan kooxdaas inkasta oo aanay ku qanacsanayn bandhiggiisa ciyaareed.

Laacibkan ayaa Barcelona yimid sannadkii 2019kii, iyadoo £100 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Atletico Madrid, laakiin hadda waxay diyaar u tahay in ay aqbasho iib ama isku-beddel ciyaartoy inay meesha kaga saarto.

Sida ay sheegtay idaacadda Radio Catalunya ee xarunteedu tahay magaalada Barcelona, Manchester City iyo Barca ayaa xidhiidh yeeshay, waxaanay ka wada hadleen sidii uu Griezmann u tegi lahaa Etihad Stadium.

Pep Guardiola ayaa la dhacsanaa Griezmann waqtigii uu Atletico Madrid u ciyaarayay, waxaanu rumaysan yahay in uu mar  kale kusoo laaban karo heerkiisii ugu sarreeyay haddii uu tago horyaalka Premier League, kana baxo xayndaabka Barcelona ee kubbad isku-dhiibka ah.

Laakiin Barcelona ayaa u sheegtay Manchester City, in ay ogolaadaan, in ay Griezmann ku beddeshaan afar ciyaartoy oo bixintoodu ku adkaanayso Citizens, kuwaas oo kala ah Riyad Mahrez, Raheem Sterling, Bernardo Silva iyo Aymeric Laporte.

Labada ciyaartoy ee Sterling iyo Mahrez ayaa qayb weyn ka qaagay guulihii kooxda ee xilli ciyaareedkii hore iyagoo ka ciyaarayay garbaha weerarka, sidoo kalena Aymeric Laporte ayaa ka garab ciyaaray Ruben Dias iyo John Stones, halka Bernardo Silva oo lala xidhiidhinayay inuu ka baxayo Etihad Stadium aanu isaguna waqtigan u muuqan inuu baxo.

How do you rate this story?

0 votes