Skip to content
Tuesday, August 18, 2026 4 Rabi al-Awwal 1448 AH Asr 15:19
Muqdisho 27°C
Breaking: Indonesia Searches for Earthquake Victims as Thousands Remain Displaced
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

“Haddii Aanu Ku Guuleysano Euro….” – Da’yarka Xulka Spain Ee Pedri

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
"Haddii Aanu Ku Guuleysano Euro...." - Da'yarka Xulka Spain Ee Pedri

Da’yarka kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Pedri oo kamida xiddigaha da’yarta ah ee kasoo dhalaalay Euro muhiimna u ah shaxda dalkiisa ayaa sameeyay ballan-qaad cajiib ah haddii ay ku guuleystaan Euro.

Pedri ayaa ilaa haatan soo metelay daqiiqad kasta xulka tababare Luis Enrique xilli ay isku diyaarinayaan kulan adag oo ay wareega afar dhammaadka Euro kaga hortagayaan xulka Talyaaniga oo isaguna wacdarro dhigaya.

Haatan sida uu sheegayo wargeyska Marca, 18 sano jirkaas ayaa sameeyay ballan-qaad ah inuu timaha iska xiiri doono haddiiba xulka La Roja uu 11-ka bishan July ku guuleysto korna u qaado koobka.

“Haddii aanu anagu (Spain) ku guuleysano Euros, madaxayga ayaan xiiri doonaa” ayuu yidhi Pedri oo ka hadlayay waxa u qorshaysan/

Dhinaca kale Pedri ayaa qirtay inuu daal yar dareemayo maadaama oo uu xilli ciyaareedkan heer kooxeed iyo mid qaranba kulamo tiro badan soo ciyaaray.

Sidoo kale Pedri ayaa ka hadlay awooda xulka uu qaybta ka yahay ee Spain isaga oo si gaar ah uga hadlay ixtiraamka uu u hayo goolhaye Unai Simon oo kasoo caawiyay inay rigoorayaal kaga soo baxaan Switzerland wareegii siddeed dhammaadka.