Skip to content
Monday, October 12, 2026 29 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:45
Muqdisho 25°C
Breaking: One Killed, 11 Injured in New Attack on Riyadh Airport
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Karim Benzema Oo Ka Sheekeeyey Hadalladii Ay Isweydaarsadeen Cristiano

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Laacib

Karim Benzema ayaa daboolka ka qaaday wixii uu ku yidhi Cristiano Ronaldo iyagoo garoonka dhex-taagan xilli ay labadooduba min laba gool u dhaliyeen France iyo Portugal kulankii ugu dambeeyey Group-kooda ee Euro 2020.

Ronaldo iyo Benzema oo sagaal sannadood usoo wada ciyaaray Real Madrid ayaa ku midoobay kulankii France iyo Portugal, waxaanay u ahayd habeen farxadeed oo mid walba uu dalkiisa laba gool u dhaliyey, ayna usoo wada gudbeen wareegga 16ka Euro.

Labadan ciyaartoy ayaa la arkayay iyagoo garoonka dhexdiisa qosol ku wadaagaya, sidoo kalena hadallo dhoola-caddayn iyo salaan diirran la socoto isku weydaarsanaya.

Karim Benzema ayaa warbaahinta u sheegay wixii ay is-yidhaahdeen Cristiano Ronaldo, waxaanu yidhi: “Way fiicnayd in aan arko mar kale, jid dheer ayaanu soo wada qaadnay. Siddeed ama sagaal sannadood ayaanu usoo wada ciyaarnay Real Madrid, waxaanu soo wada dhalinay goolal, waxaananu kusoo wada guuleysanay koobab. Waanu wada-hadalnay, nasiib wanaagsan ayaanu labadayaduba isku rajaynay mustaqbalka kooxahayaga iyo tartankaba, anaga oo si khaas ah usii wadnay in aanu ku madadaalano garoonka iyo in aanu samaynay isbeddel.”

Cristiano Ronaldo ayaa goolashii uu dhaliyey ay dalkiisa ka caawiyeen inuu kaalinta saddexaad kaga soo baxo Group F, waxaanu sidoo kale barbarreeyey rikoodhkii goolasha ee Ali Daei ee 109ka gool ee ciyaartoyga ugu goolasha badan xulalka adduunka oo dhan.

Benzema ayaa dhinaca kale ay u ahayd goolashiisii ugu horreeyey ee uu u dhaliyo France oo uu ka maqnaa ku dhowaad lix sannadood.

How do you rate this story?

0 votes