Ma Rumaysan Kartid! Frank Lampard Oo Daboolka Ka Qaaday ‘Dhibaatadii’
Frank Lampard ayaa sheegay in hal dhibaato ay u dhaxaysay isaga iyo N’Golo Kante waqtigii uu tababaraha ka ahaa Chelsea, xilligaas oo la xasuusan yahay inuu kaydka dhigay oo uu xiddiga reer France na ku fikiray inuu ka tago Chelsea.
Lampard ayaa ahaa tababaraha Chelsea xilli ciyaareedkii 2019-20 iyo qaybtii hore ee xilli ciyaareedkii 2020-21 iyadoo shaqada laga caydhiyey bishii January, waxaanay muddadaas sannad iyo badhka ah wada shaqaynayeen N’Golo Kante.
Laacibka reer France ayaa marar badan kursiga kaydka ku jiray xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey ee Frank Lampard, hase yeeshee markii uu Thomas Tuchel la wareegay kooxda bishii January ayuu N’Golo Kante noqday xiddiga lama taabtaanka ah iyadoo uu ahaa laacibka looga mahadcelinayo guushii Champions League.
Frank Lampard oo falanqeeye ka ahaa kulankii Portugal iyo France ee Arbacadii kusoo dhamaaday 2-2, ayaa isagoo fadhiyey istuudiyaha BBC Sports, waxa uu ka sheekeeyey dhibaatadii uu ku qabay N’Golo Kante intii uu tababaraha u ahaa.
“Markii aan imid Chelsea waxa uu sannado si joogto ah uga ciyaarayay difaaca hortooda sababtoo ah qof walba isaga ayuu aad iskugu hallaynayay, waxa haleelay dhaawac bannaanka dhigay xilli ciyaareedkaygii u horreeyey, in badan ayaananu tebnay.” Ayuu yidhi Lampard.
Waxa uu ku daray: “Si weyn ayaad u tebaysaa N’Golo kulamada waaweyn sababtoo ah waa ciyaartoyga kulamada waaweyn. Cidina ma doonayso inay ka hor timaaddo isaga sababtoo ah sifooyinka uu leeyahay.
“Kulamadaas waaweyn, finalada, tartamada kubadda cagta, ciyaartoyda sida N’Golo oo kale waa kuwo aanu jirin qiime goyn karaya.
“Sababta ugu weyn ee uu sidaa ugu fiican yahay, waa in uu yahay laacibka ugu wanaagsan ee kubbad-burburiyaha ah. Marka aan leeyahay burburiyo, waxa aan ka hadlayaa ku guuleysiga kubbadaha xagga dambe. Si kubadda aad dib usoo ceshato, waxa aad u baahan tahay orod iyo inaad u dhowaato farqiga, sifadiisa ugu weyn ee burburintu waa taas iyo inaad tagto meelo si aad kubadda ugu guuleysato.”
Intaas kaddib ayuu Frank Lampard sharraxay dhibaatadii kali ahayd ee uu ku qabay N’Golo Kante, waxaanu yidhi: “Kubbad-burburiyeyaashii hore ee khadka dhexe waxay joogi jireen afarta difaaca hortooda, Mekelele ayaa sannado ka hor si fiican ugaga ciyaarayay Chelsea [booskaa]. Laakiin N’Golo ciyaartiisu way ka badan tahay. marka aad aragto meelaha uu ka ciyaarayo, orodka iyo xawaaraha, waa waxyaabo cajiib ah oo uu gaar u yahay.
“Laakiin anigu waxa aan in badan weydiistay inuu ka ciyaaro dhexda dambe [Kaliya uu ahaado kubbad burburiye oo aanu hore u socon], dareenkaygu wuxuu ahaa inuu leeyahay sifooyin badan oo kaliya aanay ahayn inuu halkaas ka ciyaaro, laakiin dib ayaan usoo celin jiray. Waxa aan ku odhan jiray, ‘fadlan halkaa fadhi [difaaca hortooda joog]”.