Skip to content
Tuesday, July 14, 2026 Mogadishu 29°C Breaking: AUSSOM’s End Does Not Mean the End of Somalia
Breaking News
Axadle | Stay Informed with Horn of Africa Headlines

My Axadle

Saved stories

Followed topics

Reader preferences

Language
Edition

Sports English

Halyey Tony Adams Oo Kula Taliyey Mikel Arteta Inuu Beddelo

Follow

Halyeygii Arsenal ee Tony Adams ayaa usoo jeediyey tababaraha kooxdaas ee Mikel Arteta inuu isbeddel ku sameeyo shaxdiisa kaddib guul-darradii ay shalay kala soo laabteen Manchester City oo ay ugu tageen Etihad Stadium.

Tony Adams ayaa dhalleecayn u jeediyey hab-difaacista laacibka reer Spain ee Hector Bellerin kulankii City ee shalay.

Mikel Arteta ayaa ku ciyaaray shax ka koobnayd 3-4-3 oo uu awoodda saaray khadka dhexe, laakiin Adams ayaa rumaysan in Thomas Partey oo khadka dhexe ka ciyaari lahaa uu wax badan ka qaban lahaa kubbadaha ku socday goolka Arsenal, isla markaana uu si fiican ula shaqayn lahaa Gabriel.

Tony Adams oo kabtan u ahaan jiray Arsenal, ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in la joogo waqtigii afarta dambe. Waxa aan sidan sheegayay tan iyo bilowgii xili ciyaareedka. Waxaad ku guuleysan karaysaan kulamada koobabka, laakiin wax guul ah kuma keenaysaan kulamada horyaalka, waana haddii la rabo in mustaqbalka loo dhiso kooxda.

“Waxay ila tahay in Hector ay dhibaato ka jirto, qaab difaacistiisuna maanta  (shalay) ma ahayn mid wanaagsan. Laakiin waxa aan jeclaan lahaa inuu afarta dambe ku laabto. Waxaad hadda heshay Gabriel, usoo hel laacib ka garab ciyaara.

“Waxay hadda Arsenal u muuqataa inay heleen dhex dambe, waa se inay isku dhisaan mustaqbalka.”

Goolka ay Manchester City ka dhalisay Arsenal ee Guardiola guusha siiyey ayuu Tony Adams ku eedeeyey in qaladkiisa ay lahaayeen Hector Bellerin iyo Bernd Leno.