Waakan Halka Boos Ee Ay Xoojintiisa Muhiimada Koowaad Siinayso

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay inta ka hadhsan suuqa xagaagan muhiimada koowaad siin doonto saxeexa khad dhexe kaddib markii ay Georginio Wijnaldum u weyday dhigeeda Paris Saint-Germain oo uu si rasmi ah ugu biiray.

Tababare Ronald Koeman ayaa ka warqaba in booskaasi uu yahay mid aad muhiim ugu ah kooxdiisa isaga oo ka baqaya inuu si xad dhaaf ah u isticmaalo Pedri oo da’ ahaan aad u yar sidoo kalena haatan ugu soo bilawda xulka Spain tartanka Euro 2020.

Marka si rasmi ah loo dhammaystiro saxeexa Memphis Depay oo haatan badi la dhammeeyay balse ay kaliya hadhsan tahay shaacintiisu, Blaugrana ayaa diiradeeda u jeedin doonta saxeexa khad dhexe.

Barca ayaa doonaysa khad dhexe oo leh tayo sarre si ay ugu xoojiso xiddigaha ay booska khadka dhex u haysato sida Sergio Busquets, Frankie De Jong iyo Pedri.

Koeman ayaan aaminaad ku qabin Miralem Pjanic iyo Carles Alena oo labaduba suuqa yaala halka Riqui Puig la filayo inuu safka kooxda kusii dhex jiro walow uusan marnaba aaminsanayn da’yarkaas tababaraha Dutch-ka ahi.

Ilaix Moriba oo qudhiisu khad dhexe ah ayaa ahaa mid kamida da’yarta kooxda kasoo hilaacday xilli ciyaareedkii 2020-21, Barca ayaa heshiis kordhin miiska u saartay balse waxa uu dalabaad ka helay kooxo kale oo waaweyn mana cadda haddii uu sii joogayo.

Barca ayaan haysan dhaqaale badan oo ay suuqa si fiican ugu gasho waana sababtii ay u doonayeen Wijnaldum oo xor ahaa, Mikel Merino oo Real Sociedad ka tirsan ayaa lala xidhiidhinayaa Barca balse qiimihiisa ayaa u muuqda mid badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More