Waaba Koox Laga Yaacayo!! – Akhriso Magacyada SIDDEED Tababare Oo

Kooxda Tottenham ayay wali kusii socotaa dhibaatada ah inaysan deg-deg u helin tababare cusub oo kooxdeeda hormood u noqda walow ay bilooyin kahor shaqada ka caydhiyeen Jose Mourinho oo hadda ah macalinka AS Roma.

Tottenham ayaa markale ku fashilantay inay tababare cusub hesho iyadoo macalinkii ugu dambeeyay ee ay bur-bureen wadahadaladii ay kula jirtay uu yahay Gennarro Gattuso kaas oo Fiorentina iskaga tagay 23 maalmood kaddib markii la magacaabay.

Tiraba siddeeda tababare ee diiday shaqada Spurs bilihii ugu dambeeyay ayaa kala ah Julian Nagelsmann, Hansi Flick, Erik Ten Hag, Mauricio Pochettino, Antonio Conte, Paulo Fonseca iyo Gattuso.

Nagelsmann ayaa qabsaday shaqada tababarenimo ee Bayern Munich isaga oo bedelay Hansi Flick halka Flick uu la wareegi doono xulka Germany kaddib Euros iyagoo labada macalinba ku gacan saydhay fursada ay Tottenham kula wareegi karayeen.

Ten Hag ayaa heshiis kordhin u sameeyay Ajax maalmo kaddib markii ay Tottenham la xidhiidha halka Pochettino uu diiday inuu usoo laabto oo uu kasoo dhaqaajiyo PSG oo uu bilo kahor qabsaday.

Conte ayaa ahaa tababare ay mudo dheer wadahadalo kula jirtay Tottenham balse ugu dambayn ay isku fahmi waayeen qoddobada heshiiska si lamid ah Fonseca halka xalay oo u dambaysay uu bur-buray wadahadalkii ay la galeen wakiilka Gattuso ee Jorge Mendes.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More