Chelsea Oo Daafac Cajiib Ah Heshiis La Gaarey, Liverpool Oo

Everton ayaa doonaysa inay sii wado doonisteeda saxeexa daafaca dhexe ee Wolves iyo England ee Conor Coady. (Football Insider)

Chelsea ayaa doonaysa inay xidhiidh wanaagsan la samaysato Borussia Dortmund maadaama oo ay rabaan saxeexyada laba kamida xiddigaha ugu wanaagsan kooxdaas oo kala ah Erling Haaland iyo Jude Bellingham. (Star)

Manchester United ayaa dalab furitaan ah oo 50 Milyan oo pound ah ka gudbisay 28 sano jirka daafaca dhexe ee Real Madrid ee Raphael Varane balse Madrid ayaa 80 Milyan oo pound ku doonaysa iibka xiddigaas. (Manchester Evening News)

Bixitaanka Sergio Ramos ee Real Madrid ayaa qasi karta qorshaha Man United ee Raphael Varane kooxdaas ayaana wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay daafaca ree France. (Times)

Daafaca midig ee Inter Milan ee Achraf Hakimi oo 22 sano jir ah ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Chelsea, Inter oo hore dalabaad uga diiday PSG iyo Chelsea ayaa haatan doonaysa 43 Milyan oo pound oo lagu daray daafaca Chelsea ee Marcos Alonso. (Ekram Konur via Sun)

PSG ayaa doonaysa inay dalabkii labaad ka gudbiso Hakimi, dalabkaas ayaa ah 70 Milyan oo euro. (Footmercato – in Italian)

Roma ayaa isku dayi doonta saxeexa 23 sano jirka khadka dhexe ee Aston Villa ee Douglas Luiz haddii ay ku fashilmaan saxeexa 28 sano jirka Arsenal ee Granit Xhaka (Gazzetta dello Sport – in Italian)

Wolves ayaa qiimaynaysa suurogalnimada ay kula saxeexan karto weeraryahankii hore ee Chelsea iyo Atletico Madrid ee Diego Costa oo 32 sano jir ah isla markaana qaab bilaash ah lagu heli karo. (UOL – in Portuguese)

Fernandinho ayaa kooxda uu kabtanka ka yahay ee Manchester City la meel dhigay heshiis hal sano oo dheeri ah. (Mail)

Crystal Palace have made contact with the representative of former Borussia Dortmund manager Lucien Favre as they continue their search for a new manager. (Guardian)

Anderlecht Xiddigeeda Albert Lokonga oo 21 jir ah iyo 23 sano jirka goolhayaha Sheffield United ee Aaron Ramsdale ayaa ah bar-tilmaameedyada haatan ee Arsenal. (Goal)

Leicester City ayaa rajaynaysa in 24 sano jirkeeda khadka dhexe ee Youri Tielemans uu heshiis kordhin saxeexi doono walow lala xidhiidhinayo Liverpool iyo Man United labadaba. (Leicester Mercury)

Leicester City ayaa horumar weyn ka samaysay oo ay kaliya shaacintu uga hadhsan tahay saxeexa weeraryahanka ree Zambia iyo kooxda RB Salzburg ee Patson Daka. (Telegraph)

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qiimaynaya xaalada 21 sano jirka Real Sociedad ee Alexander Isak, da’yarkaas ayaa 17 gool usoo dhaliyay xilli ciyaareedkii hore kooxdiisa isaga oo Copa Del Rey kula guuleystay. (Express)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More