Miyuu Neymar Diyaar U Yahay Kulanka Man United Kaddib Markii

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay haddiiba garabka weerar ee kooxdiisa ee Neymar JR uu diyaar u yahay kulanka adag ee ay Salaasada la ciyaari doonaan Man United ee ka tirsan UEFA Champions League.

Neymar ayaa laga reebay liiska kooxdiisa ee kulankii ay xalay guusha 4-0 ka ah ka gaadheen dhigooda Nimes markaas oo uu laba gool dhaliyay Kylian Mbappe.

Kulanka xalay ayaa yimid kaddib kaliya saddex maalmood markii uu Neymar matalay dalkiisa Brazil oo kulan isreeb-reebka koobka aduunka ah la ciyaaray dhigiisa Peru xilli uu saddexley goolal ah kasoo dhaliyay ciyaartaas.

Haddaba, Thomas Tuchel oo xaalada Neymar ka hadlay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay ciyaaryahankiisu kulanka Red Devils isla markaana uu xalay kaliya sabab nasiimo u maqnaa.

“Ney wax dhib ah ma qabo, waanu wadahadalnay sidii aanu u wada hadalnay Kylian” ayuu yidhi macalinka ree Germany kaddib kulankii xalay.

“Waxaanu wada yeelanay wadahadal daacad ah waxaanan isaga u ogolaaday inuu nasto maanta, wuu nala joogi doonaa berrito, wuu tababaran doonaa waxaana uu u diyaar garoobi doonaa kulanka Manchester United, garoonka ayuu ku jiri doonaa hubaashii”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More