Tababaraha Denmark Ee Kasper Hjulmand Oo Ilmaynaya Ayaa yidhi: “Laba

Tababaraha xulka qaranka Denmark ee Kasper Hjulmand ayaa isagoo ilmaynaya oo indhihiisu qoyan yihiin warbaahinta hor yimid kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii Denmark iyo Finland ee uu ku dhex dhacay Christian Eriksen.

Hjulmand ayaa dareen murugo leh soo bandhigay, waxaana uu iska illoobay in dalkiisa laga badiyey oo hal gool oo madi ah lagaga qaatay saddexda dhibcood, waxaanu dareenkiisa ku jeediyey xiddigooda Christian Eriksen ee xaaladda nolosha iyo geerida u dhaxaysa galay iyo qaabkii uu xidhiidhka kubadda cagta UEFA ula dhaqmay.

Denmark oo ku jirta Group B oo ay ku wehelinayaan Finland, Belgium iyo Russia ayaa guul-darro 1-0 ahi soo gaadhay iyagoo sidoo kalena iska khasaariyey rikoodhe ay goolka barbarraha ku keeni lahaayeen.

Joel Pohjanpalo ayaa Finland u dhaliyey goolka madiga ah ee guusha aanay filaynin siiyey.

Tababare Kasper Hjulmand oo warbaahinta la hadlayay kaddib dhamaadka ciyaarta ayaa yidhi: “Waxay ahayd caweys adag oo dhamaanteen la ina xasuusiyey waxyaabaha ugu muhiimsan nolosha.

“Waa xidhiidh macne weyn. Waa dadka inagu dhow, waa qoyska iyo xaasiibbada.

“Wax kasta, wax kasta, wax kasta – Dareenka oo dhan waxa aan la qaybsanayaa Christian iyo qoyskiisa.

“Kooxda ciyaartoyda ee aanan garanayn wax aan ku amaano. Waxa dhamaanteen la ina xasuusiyey in waxa nolosha ugu qaalisan uu yahay xidhiidhada qiimaha leh, dadka inoo dhow, qoyskeena ama saaxiibbadeen.

“Waxaynu haysanaa koox ciyaartooyo ah oo aanan garanayn wax ku filan oo aan ku amaano. Ma garanayo wax iiga farxad badnayd sida ay dadkani isku daryeelayaan. Isagu wuxuu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu saaxiibtinimada wanaagsan, sida ciyaartoydu ugaga hadleen qolka lebbiska ee ay u go’aansadeen in aanay waxba samaynin ilaa inta aanu ka ogaanayno in Christian kasoo baxay koomada oo uu caadi noqday.”

Kasper Hjulmand waxa uu intaa kaddib weeraray UEFA, isagoo yidhi: “Laba dookh oo kaliya ayaa lana siiyey; in aanu maanta ciyaarno ama berri (caawa) 12pm -duhurnimada, waxaananu isku waafaqnay in aanu maanta (xalay) ciyaarno. Ma ciyaari kartid iyadoo dareenka noocan ahi jiro, laakiin waanu isku daynay in aanu guuleysano. waxa cajiib ahayd in ciyaartoydu ismaamuleen oo ay isku dayeen inay ciyaaraan qaybta dambe.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More