Waa Kuma Xiddiga Aanay Barcelona Wali La Saxeexanin Ee Dukaamada Lagu

Dukaamada rasmiga ah ee Barcelona ay ku leedahay Online-ka ayaa lagu kala  iibsanayaa xiddiga aanay kooxdaasi wali saxeexiisa ku dhawaaqin oo wararku sheegayaan in koox kale ka dul-qaadayso.

Sabtidii maanta ayaa dukaamada Online-ka ah ee Barcelona waxay taageereyaashu ku arkeen dharka ay kooxdu ku ciyaarayso xilli ciyaareedka dhowaanta bilaabmaya oo uu ku jiro weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay.

Laacibkan oo lala xidhiidhinayo Barcelona ayaanay wali ku dhawaaqin heshiiskiisa, waxaana xaqiiqo ah inuu soo dhamaaday waayihiisii Lyon oo uu si xor ah uga tegay markii uu soo dhamaaday xilli ciyaareedkii dhowaa oo uu ku ekaa qandaraaskiisu.

Wargeyska Marca ayaa tilmaamay inay tahay qalad caddaan ah oo ay kooxdu samaysay, in ciyaartoy aanay wali heshiis la  gaadhin oo aanay waliba hubtanti buuxda ka  haysanin, in haddana ay dharkeeda ku qorto magaciisa, kana iibiso taageereyaasha.

Laakiin dhinaca kale, waxa loo fasirtay inay tahay farriin cad oo ay kooxdu dirayso oo ah in ay heshiis la gaadhay laacibkan, ayna isku diyaarinayso inay si degdeg ah ugu dhawaaqo.

Garanka midabbada leh ee Barcelona ee dukaamada lagu iibinayay ee uu ku qoran yahay Memphis Depay ayaanu la soconin lambar uu xidhayo.

Arrin kale oo qosol lahayd ayaa lagu arkayey website-ka kooxda ee dharka ay taageereyaashu ka iibsanayeen, waxaanay ahayd, in ay ku qornayd ‘shaqo ayaa ka socota website-ka’, taas oo muujin karta in si qaldan magaca Memphis Depay usoo galay.

Barcelona ayaa si rasmi ah usoo bandhigi doonta dharka ay ku ciyaarayso xilli ciyaareedka 2021/22 maalinta Salaasada marka ay saacaddu tahay 10ka fiidnimo.

Dhinaca kale, taageereyaasha ayaa xasuusan, in Barcelona laga hor-qaaday Georginio Wijnaldum oo ay toddobaadyo qarka u saarnaayeen saxeexiisa, kana degay PSG, waxaanay ka shakisan yihiin in Memphis oo ay ku haysato Juventus isagana lagaga guuleysan karo saxeexiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More