CAJIIB: Wali Ma Is Weydiisay Sida Uu Noqon Lahaa Miiska Kala Sarreynta

Xilli ciyaareedkii 2020-21 ee horyaalka Premier League ayaa ugu dambayn soo dhammaaday iyadoo hadda 20-kii kooxood ee tartamayay si buuxda u kala calaf-qaadeen isla markaana dhammaantood ogsoon yihiin boosaska ay ku kala dhammaysteen.

Xilli ciyaareedka ayaa dhab ahaan ahaa mid adag marka la eego mashquulka kulamada oo ahaa kuwo xidhiidh ah halka ay sidoo kale la’aanta jamaahiirtu wax qariib ah ahayd.

Si kastaba, waxa kasoo hadhay xilli ciyaareedkii hore ayaa ah aalada Video Assistant Refree (V.A.R), tiknoolajiyadaas cusub ayaa markale muujisay in kubadda cagta ay ka dhigi karto wax lagu qoslo oo dad badani aysan jacaylkii hore u qabin.

Horyaalka ayaa ahaa mid ay qaladaad badani ka dhaceen, goolal badan ayaa loo diiday sababta gacan uu ciyaaryahanku la galay garab-dhaaf (Offside), rigoorayaal badan oo fudud ayaa la dhigay halka kuwo adag la diiday.

Haddaba waxa hadda la qiimeeyay sida uu noqon lahaa miiska kala sarreynta horyaalka Premier League la’aanta aaladaasi VAR iyadoo kooxo badani booskoodii rasmiga ahaa kor uga kaceen halka ay kuwo kale hoos uga dhaceen.

Ugu horreynba afarta kaalmood ee ugu sarreeya ayaa sidooda rasmiga ah ee ay ku dhammaadeen ah halka saddexda kaalmood ee horyaalka looga daadago ay iyaguna lamid yihiin.

Tottenham ayaa booska shanaad timid iyada oo kala baxday Leicester City oo toddobaad u dhacday halka Arsenal ay booska lixaad soo fadhiisatay walow ay caadiyan booska siddeedaad ku dhammaysatay.

Kooxda inta ugu badan hoos u dhacday ayaa ah West Ham United oo booska lixaad kaga dhammaysatay horyaalka balse halkan kaga jirta sagaalaad.

Miiska Oo Dhammaystiran

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More