“Haddii Madax Goboleedyadu farageliyaan kuraasteena, ma ansixin doono heshiiska” Mahad Cawad.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BFS Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo ka qaybgalay munaasabad loo qabtay Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kahor sheegay in culeyska madax goboleedyadu ay saarayaan kuraasta xildhibaannada.

Cawad ayaa sheegay in xiliyada doorashada Madaxda Dowlad Goboleedyada isu dayaan in ay cadaadiyaan Xildhibaannada, waxaana uu sheegay in haddii la isku dayo taas Xildhibaannadu qaadanayaan go’aan ka dhan ah Heshiiska Madaxda heer federal & Heer Dowlad Goboleed.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa si cad u sheegay in kursigiisa oo deegaan doorashadiisu tahay Degmada Towfiiq Gobolka Mudug DG Puntland in uu u wareejistay DG Galmudug.

Cawad ayaa sheegay in dhac-dhac iyo shilimaad ay ka heli jireen Dowladihii hore balse haatan Doorashadu ay aadayaan Xildhibaannada iyaga oo fara maran, balse waxa uu tilmaamay in ay xeelado kale dejinayaan.

“Haddii aad heshiiseen, annaga qayb ayaan ka nahay, kursigeyga waxa aan u wareejistay Galmudug ee Saaxiibada kale hakaa nabad galaan, Doorasho ayaan usoo soconaa ee ammaan hala idinka helo, haddii kale Sooma ahan, Wallaahi ma ansixineyso heshiiskaas” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Golaha Shacabka ayaa ansixiyay in Xildhibaannada ay raran karaan kuraastooda, iyaga oo geesan kara deegaan doorasho kale, dadka qaar ayaa arrintaas ku tilmaamay culeys siyaasadeed iyo is qab-qabsi dhanka beelaha iyo Xubnaha Xildoonka ah ka dhex dhalan kara.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More