Xiddig Weyn Oo Reer Brazil Ah Oo Mushahar Gaaraya Kaliya 270

Kooxda caanka ah ee reer Brazil Santos ayaa maanta oo Axad ah shaacisay in Robinho uu kooxda ku soo laabtay islamarkaana uu kooxda u ciyaari doono ugu yaraan ilaa iyo bisha Febraayo 2021.

36 jirkaan oo ka soo baxay akadeemiga kooxda Santos ayaa kooxda koowaad u saftay kulankiisii ugu horeysay sannadkii 2002 ka hor inta uusan ku biirin Real Madrid sannadkii 2005.

Warbixin ay soo saartay Santos ayaa lagu shaaciyay in Robinho uu qaadan doono mushaharka ugu yar ee laga qaato dalka Brazil isagoo bishii mushahar ahaan u qaadan doona 1,500 reals oo u dhiganta 270 doolar.

Santos wax lacag ah kuma aysan bixinin saxiixa Robinho kaasoo xor ahaa xagaagan ka dib markii uu dhamaaday qandaraaskii uu kula joogay kooxda Turkiga ee Istanbul Basaksehir.

Kooxda reer Brazil ayaa soo saartay ciyaartoy magac weyn ku leh dunida sida Pele iyo Neymar laakiin waxay haatan ku jirtaa xaalad dhaqaale oo aad u xun, waxayna ganaax kala kulmayaan FIFA iyadoo aan loo ogolaan doonin waqti aan weli la shaacinin inay ciyaartoy la soo saxiixdaan.

Xayiraada laga saarayo suuqa kala iibsiga ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo isbuuca soo socda ka dib markii ay bixin waayeen deyn ay ku laheyd kooxda reer Chile ee Huachipato oo ay kala soo wareegeen xiddiga garabka ka ciyaara Yeferson Soteldo iyo deyn ay ku laheyd kooxda reer Colombia ee Atletico Nacional oo ay kala soo wareegeen daafaca Felipe Aguilar.

Dhanka kale Robinho ayaa dhibaato kala kulmaya nidaamka cadaalada Talyaaniga isagoo lagu xukumay xabsi sagaal sannadood ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay kursi wadared lagu sameeyay gabar ku nool magaalada Milan sannadkii 2013, Robinho ayaa racfaan ka qaatay xukunka wuxuuna sugayaa go’aanka.

Robinho ayaa markii uu u saxiixay Real Madrid sannadkii 2005, wuxuu ka tagay sannadkii 2008 isagoo ay u bilaabatay safar dheer uu ku maray Manchester City, AC Milan, Guanghzhou Evergrande, Atletico Mineiro, Sivasspor iyo Istanbil Basaksehir.

Intii uu joogay Manchester City iyo AC Milan labo jeer oo kala duwan ayuu amaah dib ugu laabtay Santos laakiin haatan heshiis joogta ah ayuu u saxiixay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More