Bayern Munich Oo Heshiis La Gaartey Tababaraha Dunida Oo Dhan

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa heshiis shaqsi ah la gashay tababaraha da’dayar ee Julian Nagelsmann, kaas oo ay kooxdiisa RB Leipzig dalbanayso in lacag rikoodh jabis ah oo qandaraaskiisa lagu burburinayo.

Bayern Munich ayaa Axaddii xidhiidh la samaysay kooxda horyaalka Bundesliga kula xafiiltamaysa ee RB Leipzig iyadoo ka doonaysa tababaraha 33 jirka ah ee Julian Nagelsmann, laakiin waxa lagu xidhay lacag dhan €25 milyan oo Euro oo ay tahay in ay bixiso si ay u hesho tababarahan.

Warbaahinta waddanka Jarmalka ayaa xaqiijisay in heshiiska Bayern Munich iyo Julian Nagelsmann uu ka dhamaystiran yahay dhinacooda, laakiin ay kaliya sugayaan in RB Leipzig ay wada-xaajoodka soo fadhiisato oo ay labada naadi ka heshiiyaan Munich lagu xidhay.

Nagelsmann oo lala xidhiidhinayay Tottenham oo toddobaad ka hor shaqada ka caydhisay Jose Mourinho, isla markaana si ku-meelgaadh ah loogu sii dhiibay Ryan Mason, ayaa uu meesha ka saarayaa warkan cusub ee tibaaxaya in Munich ay soo gashay meesha.

Julian Nagelsmann oo ku dhashay Landsberg am Lech oo saacad looga socdo galbeedka magaalada Munich, dhowaanna halkaas ka dhistay guri ayaa la sheegay in uu doonayo in uu sii joogo waddankiisa iyo magaalada uu yaraantiisa kusoo koray oo uu ka ag-dhowaado.

Your browser doesn’t assist the audio factor.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More