Bye…Bye: Abramovic, Sheikh Mansour, Glazers – Mulkiileyaashii

Dawladda Ingiriiska ayaa qorshaynaysa in ay la wareegto mulkiyadda kooxaha horyaalka Premier League ee ay hadda iska leeyihiin maalqabeennada u badan ajaanibka ee lacagta badan geliyey.

Ra’iisal wasaare Boris Johnson ayaa ballan-qaaday in taageereyaashu ay kaalinta ugu weyn ku yeelan doonaan kubadda cagta Ingiriiska, isla markaana la samayn doono wixii ay doonayaan.

Kaddib markii uu fashilmay tartankii la abaabulay ee Super League, dawladda Ingiriiska ayaa qaadaysa tallaabo ay kaga dayanayso waddanka Germany oo aan ogolaanin in horyaalladeeda Bundesliga iyo ka hooseeyaba ay ciyaaraan kooxo aanay dawladdu inteeda badan lahayn.

18ka kooxood ee horyaalka Bundesliga, 50+1 (in ka badan kala badh) waxa iska leh dawladda, lamana ogolaado in mulkiyaddu ay si buuxda gacanta ugu gasho shirkado ama shaqsiyaad gaar ah, kuwaas oo qaadi kara tallaabooyin ay dantooda oo kaliya kaga fikirayaan.

Kaddib mudaharaadyadii iyo dhawaaqii ay muujiyeen khubarada ciyaaraha ee ka dhanka ahaa tartanka Super League ee ay qaybta ka noqdeen Arsenal, Chelsea, Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Tottenham, dawladda Ingiriiska ayaa waxay bilaabaysaa qorshe ay mulkiyadda kooxaha 20ka ah ee Premier League ku yeelanayso 50+1, si go’aamada muhiimka ah ay iyadu ugu gaadho oo ay meesha uga baxaan mulkiileyaasha maalqabeennada ah ee hadda ay ciyaaruhu ugu jiraan.

Boris Johnson oo Arbacadii ka jawaabayay su’aalo laga weydiinayay qalalaasaha ka dhashay ciyaaraha ee saldhiggiisu ahaa tartanka Super League, ayaa waxa uu sheegay in wasiirkii hore ee ciyaaraha ee Tracey Crouch uu hormood u ahhaa daraasado iyo baadhitaano la xidhiidha maamulka kubadda cagta iyo sida sare loogu soo qaadi karayo kaalinta ay go’aamada iyo maamulkaba ku yeelanayaan taageereyaashu.

Oliver Dowden oo hadda ah xoghayaha dhaqanka, warbaahinta iyo ciyaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in Ra’iisul Wasaare Boris Johnson uu ku hawlan yaahy in uu sharci-yaqaannada horkeeno sharci miiska soo saaraya in dawladdu ay la wareegto mulkiyadda kooxaha.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More