Skip to content
Friday, October 30, 2026 18 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:42
Muqdisho 31°C
Breaking: Somalia Faces Security Vacuum as AU Troops Prepare to Leave Key Bases
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

Xisaabaadkii, Macuulaadkii Iyo Xidhiidhadii Real Madrid Oo

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
bernabeu

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dhibbane u noqotay budhcadda Internet-ka, waxaana loo dhacay guud ahaan xisaabaadkeedii, email-ladeedii, macluumaadkeedii muhiimka ahaa iyo xidhiidhadeedii, waxaana arrintan loo qabtay hal qof.

Rui Pinto oo u dhashay waddanka Portugal ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo lagu eedeeyey inuu yahay qofka jabsaday xisaabaadka Real Madrid.

Ninkan oo ku sugnaa magaalada  Budapest ee waddanka Hungry ayaa la sheegay in la xidhay iyadoo lagu eedaynayo inuu ka mid yahay dadka budhcadda uu falkan ku kacay, laakiin warku ma sheegin haddii Los Blancos laga dhacay lacago ama macluumaadkeeda qayb ka mid ah.

Sida uu qoray wargeyska Correio da Manda ee kasoo baxa waddanka Portugal, ninka la qabtay ee Pinto ayaa bartilmaameedkiisa ugu weyn ka dhigtay Real Madrid oo uu u dhacay xisaabaadkeeda.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in ninkani uu adeegsan jiray Supercomputer si uu ula socon karo macluumaadka Real Madrid, waxaana lagu qabtay 12 Disc oo gacanta ugu jiray markii la xidhayay oo mid ka mid ah ay ka buuxeen xogta uu kala baxay xisaabaadka Real Madrid.

Inkasta oo Pinto uu beeniyey inuu ku lug leeyahay falalka lagu eedeeyey, haddana waxa uu hadda ku jiraa gacanta booliska waddanka Hungry oo baadhitaan ku samaynaya.

Wargeyska Correio da Maha waxa kale oo uu sheegay in ninkan u dhashay Portugal ee Pinto uu hore usoo jabsaday macluumaadka kooxda Sporting CP iyo wakiillada ciyaaraha ee Doyen Sports.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes