Skip to content
Saturday, October 10, 2026 27 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:45
Muqdisho 29°C
Breaking: Shabelle River Nears Flood-Risk Level in Jowhar as Heavy Rains Forecast for Somalia
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Xeer ilaaliyaha guud wuxuu laalay dhamaan eedeymihii loo haystay

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Maxaad u baahantahay in aad ka ogaato Gedo &

Muqdisho (Axadle) – Qoraallo kasoo kala baxay xafiisyada Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyey in la soo xiray gal dacwadeedkii loo heystay wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Garyaqaanka Guud Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa meesha ka saaray dhammaan eedeymihii loo haystay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, wasiirka amniga Jubbaland oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Warqad SUM: XXIG / 26/2021, kuna taariikheysan 22/03/2021 oo ay aragtay Axadle Media oo loo xiray kiiskii ka dhanka ahaa Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Suleymaan ayaa sidoo kale amar ku siiyay maxkamada gobolka Banaadir in ay xirto dacwada loo haysto Janan.

Cabdirashiid Janan oo loo heystay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada, ayey markii labaad dowladdu ka soo saartay warqad lahu cadeynayo in aan loo heysan wax dembi ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee Soomaaliya ayaa horay dembiyo dagaal ugu soo oogay Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale warqad kale oo ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Benaadir ayaa lagu cadeeyey in gabi ahaanba la xiray gal-dacwadeedka Cabdirashiid Janan.

Ma jirto wax sharci ah oo loo maray in laga laabto dambiyadii loo haystay Janan, marka laga reebo inuu heshiis siyaasadeed la galay dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo Janan uu dhowaan kasoo goostay maamulka Jubaland una soo wareegay dhanka dowladda.

Hoos ka aqriso warqadaha

How do you rate this story?

0 votes