MA AWOODNO: Kooxdii Ugu Horreysay Ee Weyn Ee

Kooxdii reer Spain ee Barcelona ayaa lagu sifeeyay midii ugu horreysay ee quus ka taagay saxeexa da’yarka weeraryahanka dhexe ee Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland kaddib markii ay kooxdiisu dhawaan qabsatay qiimaha ay doonayso inay xagaaga ku iibiso.

Erling ayaa kamid ah xiddigaha da’yarta ah ee hadda ugu wanaagsan dunida haddiiba uusan ahayn midka ugu wanaagsan waxaana la aaminsan yahay in shaqsiyaad badan oo Barcelona jooga ay doonayeen inuu Lionel Messi la midoobo xilli ciyaareedka dambe.

Haaland ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedkan kooxdiisa usoo ciyaaray 31 kulan waxaana uu usoo dhaliyay 33 kulan taas oo ka dhigan in kaliya Robert Lewandowski iyo Lionel Messi ay kaga badan yihiin goolasha tartamadaoo dhan laga soo dhaliyay Yurub.

Sida uu sheegay wargeyska ESPN, Dortmund ayaa lacag dhan 180 Milyan oo euro dul dhigtay iibka Haaland ee xagaaga taas oo ka dhigaysa in Barcelona iyo inta badan kooxaha kale ee doonayaa ay awood u yeelan waayaan.

Arrinta kale ee sii adkaynaysa in 20 sano jirkaas lala saxeexdo ayaa ah in kooxda doonaysa saxeexiisu ay u baahantahay inay ;acag 20 Milyan oo euro ah siiso wakiiladiisa oo uu ugu horreeyo Mino Raiola.

Afarta kooxood ee kale ee wali lala xidhiidhinayo Saxeexa Haaland ayaa kala ah Manchester City, Manchester United, Chelsea iyo Real Madrid, dhammaan kooxahaas ayaa la filayaa in qudhoodu aysan awood u yeelan doonin bixinta lacag intaas le’eg iyadoo dunidu xaalad dhaqaale oo adag ku jirta.

Waxa ay u badantahay in kooxaha doonaya saxeexa dhaliyaha ree Norway ay sugi doonaan suuqa xagaaga ee sanadka dambe markaas oo heshiiskiisu uu dhigayo in kaliya 66 Milyan oo pound lagula wareegi karayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More