Ololaha Doorashada Jamhuuriyadda Jabuuti oo Bilowday! –

Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa 9-ka April 2021 ka dhaceysa Doorashada Dalkaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana ka socda loolanka labada musharax ay sameynayaan.

Doorashada waxaa u loolamaya labada musharax ee kala ah:

1-Ismaaciil Cumar Geelle: Hogaamiyaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Murashaxa Xisbiga PRP.

2-Sakariye Ismaaciil Faarax: oo ah Murashax madax bannaan sida ku xusan Sooyaalkiisa.

Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka socda diyaargarowga Doorashada 13-Cishe kadib lagu ballansan yahay in ay dhacdo, labada Murashax ayaa la siiyay fursado ay kusoo bandhigi karaan fariimaha ay kusoo jiidanayaan codbixiyaasha.

Hogaamiye Ismaaciil Cumar Geelle oo xafiiska jooga tan & 8-dii May 1999-kii waxa uu kaashanayaa waaya-aragnimada uu ka dhaxlay 4-tii Doorasho uu ka qaybgalay isaga oo beegsanaya soo bandhigista waxqabadka uu kusoo jiidan karo shacabka.

Murashax Sakariye waxa uu dhankiisa qiray in Geelle uu wax badan u qabtay Jabuuti balse sababta keentay in uu ku hamiyo qabashada xilkaan ay tahay dhammeystirka waxyaabo u muuqda oo aan waxba laga qaban sida uu hadalka u dhigay.

Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynihii labaad ee Taariikhda Jamhuuriyadda Jabuuti soo maray tan iyo xornimadii Gumeystihii Faranasiiska oo haatan laga joogo muddo dhan 44-sano, kala bar waxaa hoggaanka u haya Hogaamiye Geelle.

Hogaamiyaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa taageero & kalsooni ku qaba Doorashada, maadaama horumar, Waxqabad & hoggaan wanaag uu ka sameeyay Jabuuti Muddada 22-sano uu xilka hayo.

Jabuuti waa dal yar oo Xad la leh Eretareeya, Itoobiya & Soomaaliya oo uu ka go’ay si gaar ah Gobollada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi) waana waddan xeeb leh oo muhiim u ah marinka Badda Cas & Gacanka Cadmeed.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad isku soo taagay qabashada xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu rajo wanaagsan ka qabo marka la eego loolankiisa iyo waxqabadka uu ku faanayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More