Qarax Sababay Khasaare oo ka dhacay Muqdisho

Qarax nuuciisa lagu sheegay miino ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska Beexaani ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac sida ay Axadle u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Ilaa saddex ruux oo labo kamid ah ilaalo la socotay Toyota Hilux oo Soomaalida u taqaan (Qooqan), waxaana loo qaaday Goobaha Caafimaadka si looga daweeyo waxyeelada gaartay sida Axadle ay kasoo xigatay ilo wareedyo.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo kala qaybisa Degmooyinka Shibis & Kaaraan waxaa gaaray Ciidamada ammaanka labada Degmo oo sameeyay baaris ay ku raadinayaan dadka ay ku tuhmayaan miinada la dhigay laamiga.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka weli kama aysan hadlin, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in Gaariga Miinada loo dhigay uu leeyahay Sarkaal katirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar.

23-kii Janaayo 2021, qarax ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn isla goobta waxaa ka ku dhaawacmay labo Xildhibaan oo katirsanaa Baarlamaanadii ka horeeyay kan sida KMG ah howsha u haya, waxaana ka dhashay dhimasho & dhaawac.

La soco wixii kasoo kordha

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More