RASMI: Garoonka Ay Ka Dhaceyso Kulanka Real Madrid

Kulanka lugta hore ee wareega 8da Champions League waxay Real Madrid ku ciyaari doontaa garoonkeeda mana lagu dheeli doono garoon dhexdhexaad ah ka dib markii Spain ay go’aan ku gaartay inay qafiifiso xayiraadihii Korona Fayras ee ay dalkeeda ku rogtay.

Spain ayaa xayitaad saartay duulimaadyada ka imaanaya Britian bishii December madaama nooc cusub oo Korona Fayras ah uu ka dilaacay Ingariiska taasoo saameyn ku yeelatay kulamadii Champions League iyo Europa League ee Chelsea iyo Manchester United.

Sharcigii mamnuucayay duulimaayada Britian ee Spai ayaa dhamaanaya 30ka bishaan Maarso iyadoo Liverpool loo fasaxay inay booqon karto Madrid 6da bisha April

Kooxda kale ee reer Spain Granada ayaa iyadana martigelin doonta Manchester United 8da bisha April lugta hore ee wareega sideed dhamaadka Europa League.

Wadamo kale ayaa xayiraad la mid ah ku rogay duulimaadyada ka imaanaya Britian taasoo keentay in labadii lug ee Man City iyo Borussia Monchenglabdach ee wareegii 16ka in lagu ciyaaro magaalada Budapest halka kulamadii Liverpool iyo RB Leipzig iyadana sidaas oo kale la sameeyay.

Waxay arintaan war wanaagsan u tahay Real Madrid oo aan safar u geli doonin kulan iyada marti loo yahay islamarkaana ay garoonkeeda Alfredo di Stefano Stadium ay ku soo dhaweyn doonto kooxda Liverpool bilowga bisha soo socota.

Kooxaha reer Spain ayay qasaaro ku aheyd inay safar galaan labada lug ee wareeg kasta laakiin xayiraada ay dowlada Spain qaadeyso 30ka bishaan Maarso ayaa war wanaagsan u ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More