Muxuu Philippe Coutinho Ka Doonay Dalka Qatar?

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Philippe Coutinho ayaa ku sugan Qatar halkaasoo uu tijaabo caafimaad oo la xiriirta dhaawaciisa jilibka ku sameynayo si u ogaado haddii uu garoomada ku soo noqon karo bisha danbe.

Laacibka reer Brazil ayaa qaliin lagu sameeyay, waxaa la filayay inuu maqnaanayo muddo seddex bilood ah oo ku eg bilowga bisha April ee soo socota.

Inkastoo waqtigaas loo qabtay hadana marka la eego waqtigii uu maqnaa iyo xaqiiqda ah inuu u baahan yahay tababar badan si uu u helo qaab ciyaareedkiisii hore, 28 jirkaan lama arki doonaa ka hor dhamaadka bisha April.

Coutinho ayaa booqday xarunta caafimaadka Aspetar ee dalka Qatar halkaasoo baaritaano lagu sameeyo si loo ogaado inuu si buuxda u soo kabsaday islamarkaana uu ciyaari karo bisha soo socota.

Brazilian and FC barcelona football star Philippe Coutinho Correia visits Aspetar for a medical consultation today.

نجم المنتخب البرازيلي ولاعب برشلونة فليب كوتينهو في زيارة علاجية لسبيتار pic.twitter.com/pJGuGvCvdg

— Aspetar سبيتار (@Aspetar) March 23, 2021

Coutinho ayaa diyaar u ahaa doona tababare Ronald Koeman kulamada ugu danbeeya xilli ciyaareedka, laakiin sida ay haatan wax yihiin wuxuu u baahnaan doonaa inuu u dagaalamo inuu boos ka helo shaxda Barcelona.

Kooxda Blaugrana ayaa ku jirta qaab ciyaareed fiican tan iyo markii uu ka dhaawacmay xiddiga ugu qaalisan taariikhdooda.

Barcelon ayaa rajeyneysa in Coutinho uu daqiiqado ka ciyaaro dhamaadka xilli ciyaareedka si ay suuqa u soo dhigaan xagaaga. Madaama kooxda ay dhaqaale darro heyso waxay doonayaan in lacagta ka soo xaroota iibkiisa inay adeegsadaan saxiixyo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More