Golaha Badbaado Qaran oo ku dhawaaqay shir barbar

Golaha Badbaado Qaran oo ku dhawaaqay shir barbar

Golaha Badbaado Qaran oo ay ku midaysanyihiin madaxweyne-yaasha Puntland, Jubaland, Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyi ayaa Talaadada maanta ah waxay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho ay kaga dhawaaqeen shir barbar socda kulanka xerada Afisyooni uga socda madaxweyne Farmaajo iyo maamuladda xulufada la ah ee Galmudug, Kuufur Galbeed iyo Hirshabeelle

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddoomiyaha Golahan oo ka hadlay shir jara’id oo ay wadajir u qabteen, aya xusay in wadaxaajoodyada ay sii socon doonan maalmaha soo aadan.

Hadalka ka soo yeeray golahaan ayaa yimid ka dib markii xubnaha golaha ay kulan gaar ah ku yeesheen Airport Hotel oo ku dhexyaala xeyndaabka xeradda Xalane ayna degan yihiin diblumaasiyiinta reer Galbeedka.

“Madashan waxaa loo aas-aasay sidii dalkan loo badbaadin lahaa iyo sidii looga saari lahaa xaaladan murugsan ee haatan aan ku jirno ee mudada dheer aynu u taagan nahay” ayuu Senator Cabdi Xaashi.

Xilli uu walaac ka muujiyey xaalada amni ee dalka, Mr Xaashi oo madaxweyne Farmaajo ay isku hayaan maareynta xulista wakiilada Gobaladda Waqooyi ayaa hoosta ka xariiqay sidda ay muhiim u tahay in si degdeg ah xal loo helo.

“Madahsa shirkeeda waa bilowday waana sii soconayaa illaa laga helayo wax Soomaali ay heshiis ku tahay.Madashani waxay u dhalatay Soomaali wax kalana ma ahan waa badbaadin dalka” ayuu xusay.

“Waxa aynu u baahanahay in aan tashano oo aan heshiino dalkaana laga badbaadiyo dhibaatada haysata” ayuu yiri.

Kulankaan ay galinkii dambe ay maanta ku yeesheen magaaladda Muqdisho ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee Madasha Badbaado Qaran taasoo todobaadkii hore ay iclaamiyeen xubnaha siyaasad ahaan ka aragtida madaxweynaha mudo xileedkiiu dhamaaday ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More