Dhaq-Dhaqaaqa Suuqa Ee Man United Oo Halkiisa Kasii Socda &
Manchester United oo u muuqata mid doonaysa inay maalmaha ugu dambeeya ee gudaha suuqa xagaagan ka qabsato wixii ay ka qabsan kari weyday intiisii hore ayaa dalab ka gudbisay garabka weerar ee kooxda Fiorentina ee Federico Chiesa.
Madaxda sarre ee Old Trafford ayaa wali doonaya inay Jadon Sancho kala soo saxeexdaan Borussia Dortmund kahor xidhitaanka suuqa laakiin Borussia Dortmund ayaa ku dhagan qiimaha 108 Milyan ee Pound ah ee ay ku doonayso.
Iyadoo ay kaliya shan maalmood ka hadheen suuqa kala iibsiga, Ole Gunnar Solskjaer iyo madaxa kooxdaas ee Ed Woodward ayaa isha ku haya saxeexa xiddig ay kaga maarmaan doonistooda Jadon Sancho.
Heshiiskan ay soo diiday Fiorentina ee ay Man United ka gudbisay saxeexa Chiesa ayaa ahaa mid amaah ah kaas oo aan ahayn wax ay xiisaynayso kooxda ree Talyaani, 22 sano jirkaas ayay sidoo kale doonaysaa Juventus oo rabta inay ka bixiso lavag 45 Milyan oo Pound ah.
Sidoo kale Red Devils ayaa dib usoo celiyay xiisaha ay u qabaan garabka Barcelona ee Ousmane Dembele laakiin tababaraha cusub ee Ronald Koeman ayaa doonaya inuu ciyaaryahanka ree France kusii haysto Camp Nou.
Red Devils ayaa ilaa hadda suuqa xagaagan safkooda kusoo xoojiyay kaliya khadkii dhexe ee kooxda Ajax ee Donny Van De Beek oo ay 35 Milyan oo Pound kula soo wareegeen.
Taageerayaasha United ayaan wali wax ay si fiican ugu qancaan ka helin madaxda suuqa uga shaqaynaysa kooxdooda oo u muuqda kuwo qorshe la’aan suuqa soo galay.