Skip to content
Thursday, August 27, 2026 13 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:45
Muqdisho 24°C
Breaking: Gode Must Prepare Today to Support Tomorrow’s Growth
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool vs Arsenal – Klopp Oo Ka Soo

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Liverpool-vs-Arsenal

Liverpool ayaa caawa garoonkeeda Anfield ku soo dhaweyneysa Arsenal iyadoo kulankaan si weyn loo wada sugayo.

Labada kooxood ayaa sidii ugu fiicneyd ku bilowday xilli ciyaareedka. Arsenal ayaa xilli ciyaareedka ku furtay 3-0 oo ay kaga badiyeen Fulham ka hor ibta uusan nasiib saacidin oo ay 2-1 ku dardarin West Ham.

Liverpool nasiibka ayaa saaciday kulankeedii ugu horeeyay xilli ciyaareedkan iyagoo si dirqi ah uga badiuay Leeds kulan todoba gool la iska dhaliyah laakiin waxag isbuucii hore guul raaxo ah ka gaareen Chelsea.

Kulankaan ayaa ah midka ugu gool dhalinta badan kulamada Premier League iyadoo la iska dhaliyay 43 gool sagaalkii kulan ee ugu danbeysay.

Kabtan Jordan Henderson ayaa dhaawac ku seegay kulanka maanta, waxaa isna gabi ahaanba seegay boqorka baaska Thiago Alcantara inkastoo uu bedel ku soo galay kulankii Chelsea oo uu jabiyay rikoodhka baaska ee Premier League.

Joe Gomez ayaa daafac dhexe ku soo laabtay iyadoo Fabinho lagu soo celiyay khadka dhexe isagoo ka garab ciyaaraya Kieta iyo Wijnaldum.

Dhanka tababare Arteta waxa yy shaxdiisa ku soo celiyay Pierre-Emeric Aubameyang iyo Willian oo la nasasiiyay kulankoo Carabao Cup ee Leicester City.

SHAXDA RASMIGA AH:

Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, Robertson, Van Dijk, Gomez, Fabinho, Keita, Wijnaldum, Mane, Salah, Firmino.

Keyd: Adrian, Milner, Jones, Minamino, Jota, Origi, Williams.

Team to play Liverpool: Leno, Bellerin, Tierney, Luiz, Holding, Maitland-Niles, Xhaka, Elneny, Willian, Aubameyang, Lacazette.

Subs: Runarsson, Gabriel, Saka, Ceballos, Pepe, Nketiah, Kolasinac.