Skip to content
Thursday, August 27, 2026 13 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:45
Muqdisho 23°C
Breaking: Nepal floods leave 157 dead and hundreds missing, including two Irish people
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Khabiir Saadaaliyay Kooxda Ku Guuleysan Doonta Premier

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Capture-54

Liverpool ayaa mar kale la carari doonta koobka horyaalka Premier League ka dib markii Manchester City la garaacay shalay, sida uu saadaaliyay khabiirka kubada cagta Ingariiska Graeme Souness.

Inkastoo xilli ciyaareed uu socdo kaliya seddex isbuuc, khabiir Souness ayaa durbaba arki kara ku celiska xilli ciyaareedkii la soo dhaafay markaasoo kooxda Jurgen Klopp ay hogaanka horyaalka qabatay xilli hore islamarkaana ku guuleysatay xilli hore.

Hadalkiisa ayaa imaanaya ka dib natiijooyin lama filaan ah oo ay heleen kooxaha waa weyn isbuucyadii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka.

Manchester City ayaa waxaa shalay xasuuqday kooxda Leicester City taasoo wajigabax weyn ku ah kooxdii kaalinta labaad soo gashay xilli ciyaareedkii hore.

Souness oo u soo ciyaaray Liverpool ayaa sheegay in Reds ay ka faa’ideysan doonto jugta soo gaartay Manchester City.

67 jirkaan ayaa u sheegay Sky Sports: “Liverpool waxay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay horyaalka ku qaaday 18 dhibcood. Liverpool si weyn ayay isku xoojisay feker ahaanteyda.

“Marka aan eego City haatan xitaa haddii uu yimaado Ruben Dias, waxay u baahan Dias ka badan si City aysan 18 dhibcood uga dib dhicin Liverpool mar kale.

“Liverpool maanta ayay ka xoogan yihiin sidii ay ahaayeen 12 bilood ka hor. Taas ayaana kala duwanaanshaha ah, marka aad eegto waxa ay City soo badhigtay.

“Ka dib markii aan aragnay kooxaha u tartami karo horyaalka, waxaa maanta ka dib soo gashay Leicester laakiin seddex kulan kaliya ayaa la ciyaaray.

“Ciyaartoyda qaar waxay u baahan yihiin shan ama lix kulan si ay u gaaraan qaab ciyaareedkooda ugu fiican. Laakiin waqti xaadirkaan, Liverpool ayaa la carari doonta koobka horyaalka”