Tottenham Oo Ku Tumatay Arsenal, Harry Kane & Son Oo

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay kasii talin doonto kaddib markii ay 2-0 ku garaacday Arsenal oo marti u ahayd.

Horyaalka oo ay hoggaankiisa si ku-meelgaadh ah u qabatay Chelsea markii ay ka badisay Leeds United Sabtidii ayaa waxa laba dhibcood ka sare martay Tottenham oo yeelatay 24 dhibcood, waxaana guusha ay ka gaadheen Arsenal mahaddeeda iska leh Son Heung-min iyo Harry Kane oo laba gool oo qurux badan u dhaliyey.

Son Heung-min ayaa daqiiqaddii 13aad u dhaliyey goolka koowaad kooxdiisa Tottenham kaddib kubbad weerar deg-deg ah oo uu badhtamaha garoonka ugu dhiibay Harry Kane, kaas oo uu difaaca Arsenal ku farsameeyey bannaanka xerada ganaaxa kaddibna 30 yard ka toogtay goolka.

Harry Kane ayaa hoggaanka usii dheereeyey Tottenham daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore, waxaana uu lugta bidix toogasho awood badan kubadda ku dhaafiyey goolhaye Leno, waxaana kubbaddan meel goolka u dhow ugu dhiibay Son.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Tottenham oo hoggaanka horyaalkana kala wareegtay Chelsea, waxaanay farqiga goolasha kaga hayn doonaan Liverpool haddii ay kasoo badiso Wolves.

Shaxdii labada kooxood

ARSENAL (3-4-3): Bernd Leno; Rob Holding, Gabriel Magalhaes, Kieran Tierney; Hector Bellerin, Thomas Partey, Granit Xhaka, Bukayo Saka; Willian, Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang.

Kaydka: Ainsley Maitland-Niles, Mohamed Elneny, Runar Alex Runarsson, Shkodran Mustafi, Eddie Nketiah, Dani Ceballos, Joe Willock.

TOTTENHAM (4-2-3-1): Hugo Lloris; Serge Aurier, Toby Alderweireld, Eric Dier, Sergio Reguilon; Moussa Sissoko, Pierre-Emile Hojbjerg; Son Heung-min, Giovani Lo Celso, Steven Bergwijn; Harry Kane.

Kaydka: Joe Hart, Carlos Vinicius, Lucas Moura, Ben Davies, Gareth Bale, Joe Rodon, Harry Winks.

Jose Mourinho ayaa siddeed beddel ku sameeyey safkii uu ku ciyaaray kulankii ugu dambeeyey oo ay garaaceen LASK, waxaanu shaxda koowaad kusoo celiyey Harry Kane oo kasoo laabtay dhaawac fudud. Laakiin Mikel Arteta ayaa toban ciyaartoy oo aan kulankii ugu dambeeyey joogin kusoo bilaabay ciyaarta, waxaana safka hore uu keenay Lacazette oo nasasho badan ka muuqatay.

Xaqiiqada miiska saarnayd ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin ayaa ahayd in lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey aanay Arsenal wax guul ah kasoo gaadhin garoonka Tottenham oo afar jeer ay badisay Spurs labada kalena ay barbarro galeen, waxaana ugu dambaysay Gunners oo libin kala soo noqota cadowgeeda woqooyiga London March 2014 oo ay 1-0 kusoo guuleysteen. Rikoodhkan ayaa ah midkii ugu dheeraa ee Tottenham ay ka xajisato Gunners intii ka dambaysay January 1968kii iyo January 1960kii oo sagaal jeer oo isku xigta aanay Arsenal guul ka gaadhin Spurs oo garoonkeeda joogta.

Son Heung-Min ayaa daqiiqaddii 13aad ciyaarta ku furay gool qurux badan oo uu si degdeg ah ugula soo dhowaaday xerada ganaaxa Arsenal kaddib kubbad uu badhtamaha garoonka ugu soo dhiibay Harry Kane, waxaanu kubbad sida qaansada usoo qalloociyey uu ku toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Leno isaga oo masaafo 30 yard ah u jira, waxaanay kubaddaasi ka shashay dhinaca shishe meel aanu gaadhi karayn goolhayaha reer Germany.

Harry Kane ayaa caawinta goolkan kusii kordhisay tirada goolasha uu caawiyey xili ciyaareedkan, laakiin muu filayn in Son uu shaqada intaa le’eg qaban doono markii uu kubadda u dhiibayay.

Saka iyo Partey ayaa sameeyey isku-dayo gool, laakiin wax hurday Aubameyang iyo Laczette oo khadka dhexe kusoo laabtay si uu uga shaqeeyo.

Tottenham ayaa saddex toogasho ka samaysay bannaanka xerada ganaaxa, waxaanay tijaabiyeen inay awood u leeyihiin inay difaaca Arsenal ku jabin karayaan laagga bannaanka marka laga yimaaddo weerarrada degdegga ee rogaal-celiska ah.

Goolka labaad ee ciyaarta ayay Tottenham heshay daqiiqaddii 45aad iyadoo uu bilaabmayo hal daqiiqo oo dheeraad ah oo lagu daray ciyaarta, waxaana shabaqa Arsenal ku hubsaday Harry Kane oo uu kubbad usoo farsameeyey Son.

Alla maxay ahayd kubbad shabaqa ruxday.

Intii aanu garsooruhu afuufin siidhiga dhamaadka ciyaarta, waxa Arsenal dhaawac kaga baxay laacibka khadka dhexe ee Thomas Partey oo kulankan soo laabtay kaddib usbuucyo dhawr ah oo uu maqnaa, waxaana booskiisa yimid Dani Ceballos.

Markii lagu soo laabtay qaybta dambe ayay Arsenal awoodda ciyaarta si fiican ula wareegtay, waxaanay kubbadaha ka keenaysay dhinacyada iyo khadka dhexe oo ay mararka qaarkood kasoo dhex saaraysay, hase yeeshee afkeeda hore iyo khadkeeda dhexe midkoodna muu lahayn awood uu ku jabiyo difaaca Tottenham ee sida habaysan uu usoo diyaarsaday Jose Mourinho.

Hugo Lloris ayaa badbaado weyn sameeyey markii uu Hector Bellerin kubbad halis ah kasoo dhiibay dhinaca isagoo kula hubsaday Lacazette oo isaguna toogtay dhinaca u dhoweyd ee goolka, hase yeeshee Lloris oo la socday ayaa kubaddaas ka badbaadiyey goolkiisa.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Tottenham.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More