Laba Jiifa, Mid Soo Noqday Iyo Laba La Sugayo – Xogta

Real Madrid ayay kusoo fool leedahay ciyaar adag oo ay garoonkeeda Alfredo Di Stefano kusoo dhoweyn doonto Borussia Monchengladbach oo ay ku qasban yihiin inay ka badiyaan si ay ugu gudbi karaan wareegga 16ka tartanka Champions League.

Zinedine Zidane oo lagu xidhay mustaqbalkiisa kulankii Sevilla ay xalay dirqiga kaga adkaadeen, ciyaarta Arbacada ee Monchengladbach ay Champions League rajadoodu ku xidhan tahay iyo Atletico Madrid oo ugu sii xigta ayay u baahan yihiin inay dib u helaan xiddigaha dhaawac kaga maqan.

Weeraryahanka kulamadii ugu dambeeyey ee uu Benzema dhaawaca ahaa ay kusii badbaadeen ee Mariano Diaz ayaa dib ugu laabtay dhaawaca oo liiska maqaneyaasha usbuucyadan kula jiri doona Eden Hazard oo la filayo inuu muddo ka maqnaado garoomada.

Laakiin kabtanka kooxda ee Sergio Ramos ka farxiyey Zinedine Zidane oo si buuxda ciyaartoyda kale ee kooxda ula  qaatay tababarkii Axaddii maanta oo ay si adag iskugu diyaarinayeen kulamada soo socda.

Kabtan Ramos ayaa wax walba u samaynaya sidii uu qayb uga noqon lahaa kooxdiisa kulanka Borussia Monchengladbach si uu uga caawin karo inay usoo gudbaan wareegga xiga ee Champions League oo aanay fagaareyaasha waaweyn uga bixin.

Balse waxa meel gaar ah tababarka ku qaatay difaaca midig ee Dani Carvajal oo ay suurtogal tahay inuu saddexda maalmood ee ka hadhay ciyaartan taam ku noqon karo, laakiin aanu Zidane khatar ku gelin doonin.

Sidaas oo kale, waxa meel ciyaartoyda kale ka baxsan tababarka ku qaatay Fede Valverde oo muddo bil ah bannaanka joogay, waxaanu Zidane qiimayn doonaa xaaladda labadan ciyaartoy haddii ay taam noqon karaan.

Si kastaba, Real Madrid waxa ay ka sokow guul ay gaadho ay kusoo bixi kartaa barbarro ay la gasho Borussia Monchengladbach laakiin waxay markaasna u baahanayaan in ay Inter Milan ka badiso Shakhtar Donetsk.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More