Ra’iisul wasaare Rooble oo xilka kala wareegay Mr Guulleed.

Ra’iisul Wasaare cusub ee xukumada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay Sii Hayihii Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo xilkaasi ku dhawaad labo Bilood si KMG ah u haayay.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye kuxigeenka 1aad Golaha Shacabka C/weli Muudeey, Sii Hayeyaasha Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale ayuu Mahdi Guuleed ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble Dukumiintiyo ay ka mid yihiin sharciyadii iyo Guddiyadii sida degdega loo meel mariyay 50-kii cisho ee uu xilka hayay.

Asbuucii hore ayuu codka kalsoonida ka helay xildhibanada golaha shacabka.

Qoraal uu Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre u qoray Ra’iisul Wasaaraha cusub ayuu u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo, si waafaqsan sharciga, isla markaana ku wareejiyo wixii document iyo arrimo qaranka ku saabsan, iyadoo qoraalkaas uu ku ogeysiiyay Hogaamiyaha, Guddoonka labada Aqal iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare.

Garyaqaano kala duwan ayaa ku tilmaamay arrin aan sharci aheyn oo dastuurka waafaqsaneyn in Ra’iisul Wasaaraha cusub uu xilka kala wareego Sii Hayihii Ra’iisul Wasaaraha, balse ay tahay inuu xilka kala wareego Ra’iisul Wasaarihii hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More