“Wuxuu Doonayaa Inuu Horyaal Kale Isku Tijaabiyo” – Wakiilka

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Isco ayaa doonaya inuu iskaga tago kooxdaas kaddib mudo toddoba sano ah oo uu kasoo tirsanaa waxaana wararkaas oo hore xan u ahaa imika xaqiiqo ka dhigay wakiilka ciyaaryahanka.

Wakiilka Isco ayaa sheegay in xiddigiisu uu qorshaynayo inuu iskaga tago gabi ahaanba horyaalka La Liga oo uu isku soo tijaabiyo horyaal kale oo cusub.

28 sano jirkaas oo heshiiskiisa Real Madrid uu yahay mid gaadhsiisan ilaa sanadka 2022 ayaa hoos uga dhacay xulashada tababare Zinadine Zidane kaddib soo laabashada Martin Odegaard isaga oo kaliya saddex kulan horyaalka kusoo bilawday.

Saddexleyda kooxaha ah ee ree England ee Arsenal, Manchester City iyo Everton ayaa dhammaantood lala xidhiidhinayay ciyaaryahanka 38-ka kulan usoo ciyaaray xulka qaranka Spain, si lamid ah kooxda ree Talyaani ee Juventus.

Haddaba, wakiilka Isco ahna aabaha xiddiga oo lagu magacaabo Francisco Alarcon ayaa sheegay in wiilkiisu uu doonayo ka ciyaarista horyaal kale halka uu sidoo kale xusay inaysan dhib ahayn haddii uu Los Blancos sii joogo.

Francisco oo u warramayay Cadena SER ayaa yidhi “Wakhti xaadirkan ma hayno wax dalabaad ah balse Isco waxa uu doonayaa inuu isku dayo horyaal kale, inuu joogo Real Madrid ma noqon doonto dhibaato”

Tan iyo markii uu Real Madrid kaga soo biiray dhinaca Malaga sanadkii 2013, Isco ayaa kusoo guuleystay afar Champions League, laba horyaal La Liga iyo koobab kale oo badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More