Muxuu Sameeyay Granit Xhaka Ee Ka Careysiiyay Xiddiga

Halyeeyga Arsenal Martin Keown ayaa soo jeediyay in mid ka mid ah sababihii loo celcelinayay Kieran Tierney dhamaadkii ciyaartii Leeds United inay aheyd inuu ka careysnaa Granit Xhaka oo la saftay xiddig Leeds United ah.

Kooxda Waqooyiga London ka dhisan ayaa barbaro goolal la’aan ah ku soo gashay garoonka Elland Road ka dib markii Nicolas Pepe casaan la siiyay bilowgii qeybta labaad isagoo herdiyay Ezgjan Alioski.

Qaar ka mid ah ciyaartoyda Arsenal ayaa ka careysnaa sida uu xiddiga Leeds u dhaqmay isagoo si dhaqso ah dhulka isagu tuuray islamarkaana casaan u qalqaaliyay Pepe oo maqnaan doona seddex kulan.

Dhamaadkii ciyaarta, Tierney ayaa u muuqday mid caradiisa kala duldhacaya Alioski isagoo ku eedeeyay inuu jiliin sameeyay laakiin waxaa ka horjoogsaday Xhaka iyadoo ugu danbeyn ay kaxeeyeen xiddigaha kale ee Arsenal iyo shaqaalaha tababarka.

Inkastoo Tierney uu u muuqday mid Alioski ku canaanaya doorkii uu ku lahaa casaankii Pepe hadana Keown ayaa soo jeediyay inuu sidoo kale ka careysnaa Xhaka oo la qoslayay lana kaftamayay xiddiga Leeds United ka dib markii ay soo dhamaatay ciyaarta.

“Sida uu Kieran Tierney isku dayay inuu la hadlo xiddiga Leeds United Ezgjan Alioski oo casaan u qalqaaliyay Pepe dhamaadkii ciyaarta waxay soo bandhigeysaa isbiirit dagaal oo cajiib ah.

“Tierney wuxuu sidoo kale ka cardooday inuu arkay Granit Xhaka oo garabka geliyay Alioski dhamaadkii ciyaarta ka dib wixii dhacay.

“Aniguba sidaas ayaan dareemi lahaa haddii aan arki lahaa mid ka mid ah asxaabteyda kooxda oo la qoslaya cadowga.

“Xhaka ayaa ka dib kala tuuray Tierney isagoo ka kaxeeyya Alioski. Laakiin dhacdadaan waa la iska ilaawi doonaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More