Ha Isku Dayin Inaad Mesut Ozil Twitter Ka Aflagaadeyso –

Mesut Ozil ayaa jawaab hadalkii ku xirtay siiyay taageeraha caanka ah ee Arsenal Piers Morgan kaasoo isku dayay inuu Twitter ku aflagaadeeyay xiddiga Arsenal.

Ozil ayaan qeyb ka aheyn xiddigaha Gunners u ciyaaraya Premier league xilli ciyaareedkan, mana uusan dheelin wax kubad ah tan iyo markii kubada cagta dib loo bilaabay bishii Juun.

Madaama uu waqti badan oo fasax ah heysto Ozil ayaa Twitter isku mashquulaha maalmahaan, isagoo ciyaaraha Arsenal uga hadla Twitter.

Xalay waxa uu Twitter ku soo qoray” ‘Ina keena” isagoo taageero u muujinaya Gunners kulankii ay la ciyaareen Leeds ee Premier League.

Daadihiyaha barnaamijka Good Morning Britain ahna taageere Arsenal Piers Morgan ayaa u qoray xiddiga Jarmalka: “Adiga ayaan rajeyn lahaa inaad baxdo oo aad u daneyso naftaada iyo Arsenal.”

I wish you would, Mesut. For your sake and Arsenal’s. https://t.co/guyV1K2gP2

— Piers Morgan (@piersmorgan) November 22, 2020

Ozil ma uusan jecleysan in loo sheego inuu kooxda isaga tago isagoo aan dooneynin inuu ka dhaqaaqo Emirates Stadium, isagoo jawaab cajiib ah siiyay tifaftirihii hore ee wargeyskii fadeexada loo xiray ee News of the World.

Isagoo tixraac ka dhiganayay eedeymaha loo jeediyay Piers Morgan markii uu ahaa tifaftiraha Daily Mirror markaasoo uu wargeyska jabsaday taleefanka waalidiinta gabar dhimatay si ay war uga sameeyaan, iyadoo fadeexadaas ay dacwadeeda weli taagan tahay.

Ozil ayaana weydiiyay Piers Morgan: “Piers, ma adigabaa mise taleefankaaga ayaa la jabsaday?”

Piers, was that really you, or was your phone hacked? ?? https://t.co/g2GW6YTE8R

— Mesut Özil (@MesutOzil1088) November 22, 2020

Taageerayaasha kubada cagta ayaa isku raacay in Ozil uu mindida saaray taageeraha hadalka badan Piers Morgan kaasoo bixin waayay jawaab la mid ah tii ka soo yeertay Ozil.

Morgan oo u muuqday mid ka xanuunsaday in la xusuusiyo fadeexadii hareysay waayihiisii tifaftirenimo ayaa ku jawaabay: “Waad taakalkii ugu horeeyay ee aad sameyso xilli ciyaareedkan shaqo wacan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More