Xiddig Mucjisadiisa Kubadeed Inta Lala Yaabay Loo Bedelay

Halkeed joogtay markii uu Youssoufa Moukoko uu kulankiisii ugu horeysay u safanayay Borussia Dortmund?

Su’aashaas ayaa noqon karta mid ay is weydiiyaan taageerayaasha kubada cagta haddii xiddiga mucjisada ah uu ka soo muuqdo horyaalka Bundesliga isbuucaan kulanka ay Dortmund la dheeleyso Hertha Berlin.

Mucjisada Jarmalka u soo baxday ayaa haatan loo ogolaaday inuu u dheelo kooxda koowaad ee Borussia Dortmund ka dib markii maamulka Bundesliga ay wax ka bedeleen sharciga da’da ee horyaalka looga dheeli karo.

Waxaana jirta fursad weyn oo loogu soo dari karo kooxda koowaad isagoo durbaba ka mid ahaa kooxda Dortmund ee Champions League bishii October.

Haddii uu isbuucaan u dheelo Dortmund, wuxuu noqonayaa xiddigii ugu da’da yaraa ee abid dheela kulan rasmi ah dalka Jarmalka.

Ka dib haddii uu wajaho Club Brugge seddex maalmood ka dib, wuxuu noqon doonaa xiddigii ugu da’da yaraa ee abid ka ciyaara Champions League.

Moukoko inta mucjisadiisa laga yaabay ayaa loo bedelay sharciga da’da ee horyaalka Bundesliga si uu u dheelo.

Sharcigii hore ayaa dhigayay inaan loo ogoleyn ciyaartoyda inay ka ciyaaraan horyaalka Bundesliga ilaa iyo ay ka gaarayaan 16 sanno iyo bar.

Laakiin madaama uu Moukoko dunida kubada cagta soo jiitay, waxaa sharcigaan laga dhigay kaliya 16 sanno iyadoo da’ yarkaan uu maanta 16 sanno jir noqday.

Waxaa intaas sii dheer madaama la filayo inuu dheelo kulankiisii ugu horeysay ee Bundesliga, waxa uu 16 jirkaan tababar la qaadanayaa kooxda tababare Lucien Favre.

Rikoodhka xiddigii ugu da’da yaraa ee Borussia Dortmund u dheelay waxa uu ahaa Nuri Sahin sannadkii 2005 kaasoo kulankiisii ugu horeysay ku saftay 16 sannadood, 11 bilood iyo hal maalin ka hor inta uusan u dheelin Real Madrid iyo Liverpool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More