Seddex Ka Mid Ah Xiddigihii Dhaawaca Uga Maqnaa Liverpool Oo

Liverpool ayaa war wanaagsan heshay ka hor kulankooda Leicester City ka dib markii Andy Robertson iyo Fabinho ay ku soo laabteen tababarka iyagoo sarre u qaaday isku diyaarintooda kulanka Axada.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sidoo kale ku faraxsan in xiddiga khadka dhexe Thiago Alcantara inuu isna ku soo laabtay tababarka kooxda koowaad maanta oo Khamiis ah.

Robertson ayaa dhaawac muruqa ah qabay intii uu ku maqnaa xulka dalkiisa Scotland.

Laakiin daafaca bdiix ayaa dheelay kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Israel, wuxuuna Liverpool ku soo laabtay maanta oo Khamiis ah iyadoo daafaca uu ka mid ahaa xiddigihii tababarka sameeyay maanta.

Fabinho oo sidoo kale la dhibtoonayay dhaawac ayaa kula biiray Robertson tababarka taasoo niyad dhis weyn u ah Klopp.

Dhanka kale Thiago Alcantara ayaa la dhibtoonayay dhaawac ka soo gaaray kulankii Everton laakiin xiddiga reer Spain ayaa isna tagay tababarkii maanta.

Klopp ayaa wajahaya madax xanuun dhanka xulashada shaxdiisa ah Axada ka dib markii Joe Gomez uu dhaawac halis ah soo gaaray isagoo ku maqan England.

Waxaa sidoo kale dhaawac ah Virgil van Dijk iyo daafaca bidix Alexander-Arnold.

Neco Williams ayaa la filayaa inuu buuxiyo booska daafaca midig ee Alexander-Arnold halka Joel Matip iyo Fabinho la filayo inay daafac dhexe ka ciyaaraan iyadoo Andy Robertson uu booskiisa daafaca bidix xajisan doono.

Thiago Alcantara ayaa isna khadka dhexe ka bedeli kara kabtan Henderson oo dhaawac uu soo gaaray intii uu ku maqnaa xulka England.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More