“Haddii Aad Noo Timaaddo, Aniga iyo Mbappe Heshiisyada Waanu

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa meel iska dhigay xafiiltankii u dhexeeyey Sergio Ramos oo waqtigii uu joogay Barcelona ay garoomada dhexdooda ku halgami jireen.

Neymar ayaa xidhiidh la sameeyey kabtanka Real Madrid, waxaanu ka dalbaday inuu ugu yimaaddo oo uu kula soo biiro kooxda reer France ee PSG, xilli uu Sergio Ramos heshiiskiisa Los Blancos ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan, walina aanay isku afgaranin kooxdiisa inuu qandaraas cusub saxeexo.

Laakiin wargeysyada El Chiringuito iyo Diario Sport ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa shaaciyey war ka nixinaya taageereyaasha Real Madrid oo sheegaya in kabtan Sergio Ramos iyo masuuliyiinta kooxdu ay kulan yeesheen, balse ay is faham la’aan ku kala kaxeen.

Diario Sport oo soo xiganaysa wariye Alfredo Duro, ayaa waxa uu sheegay in Neymar Jr oo dhaawac kaga maqan xulka qarankiisa Brazil kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee ay guulaha kasoo hooyeen ee ay xalayna ku garaaceen Uruguay, uu isku xilsaaray inuu Ramos ku qanciyo inuu Faransiiska yimaaddo oo uu kula jiiro PSG.

Neymar ayaa xidhiidh toos ah la sameeyey Sergio, waxaanu ku yidhi: “Sergio, haddii aad u saxeexdo PSG, aniguna maalinta xigta ayaan heshiiskayga cusboonaysiinayaa. Aniga kaddibna, Kylian Mbappe ayaa cusboonaysiin doono. Haddii aad kusoo biirto PSG, waxaynu ugu yaraan ku guuleysan doonaa laba Champions League.”

Warku ma sheegin waqtiga uu Neymar hadalkan u sheegay Sergio Ramos iyo jawaabtii uu kabtanka Real Madrid bixiyey intaba, hase yeeshee waxa la ogyahay inay kala fog yihiin Madaxweyne Florentino Perez iyo Sergio, arrintooda ugu weyna ay tahay waqtiga heshiiskoosu noqonayo.

Sergio Ramos ayaa doonaya in ugu yaraan laba sannadood oo heshiis ah uu saxeexo, laakiin Real Madrid ayaa ku adkaysanaysa in taasi aanay waafaqsanayn siyaasaddooda oo dhigaysa in ciyaartoyda 30 jirka ka weyn aan hal mar la wada siinin heshiis ka badan 12 bilood.

Taas beddelkeeda PSG ayaa saddex sannadood oo heshiis ah oo uu ku qaadanayo mushahar aad uga badan midkiisa Real Madrid usoo bandhigtay.

Si kastaba, xaaladda ayaa la filayaa inay dhinac u dhacdo inta aan la gaadhin bisha January oo uu xor u noqon doono inuu la xaajoodo, heshiis hordhac ahna u saxeexo kooxda uu doonayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More