Ciidanka AMISOM oo furay rasaas Dhimasho & Dhaawac u

Saiwr hore

8-dii, dhowr iyo toban Daqiiqo saakay waxa uu qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Fagax & Masjidka Turkiga Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa geeriyootay, halka tiro kale ay dhaawacmeen, kadib markii ciidamada AMISOM Qarax kadib ay rideen rasaas xooggan oo qaarkood dadka deegaanka guryahooda ugu tagtay.

Goobjoogayaal la hadlay Axadle ayaa sheegay in Ciidamada Burundi ay rideen Qoryaha loo yaqaan Dabajeexa (BKM), Dhashiikaha ku xiran Gawaarida Gaashaaman ee AMISOM & hubka fud-fudud.

Waxyeelada ugu badan waxa ay gaartay dad ku sugnaa suuq aan sidaas uga fogeyn meesha uu qaraxa ka dhacay sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka xaafadda oo la hadlay Axadle.

Ciidamada Burundi ayaa bilooyinkii dambe isticmaalayay wadada dheer ee isku xirta Isgoysyada SOS & Fagax, maadaama ay joojiyeen isticmaalka wadada Warshadaha oo ay uga leexan jireen Ex Control Balcad, sabab la xiriirta Qaraxyo marar kala duwan ay la kulmeen.

Ciidamada Burundi oo Saldhig ku leh Xero Maslax ayaa si maalinle ah u isticmaala Xaafadaha Degmooyinka Yaaqshiid, Hiliwaa & Kaaraan, sabab la xiriirta Roobka ka da’ay Muqdisho oo jaray waddooyinka waaweyn oo ay horay u mari jireen.

AMISOM ayaa 7-dii September 2020 qiratay in qof shacabka uu gacantooda ku baxay 6-dii September 2020 kadib markii qarax loo dhigay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, xiliyada la qarxiyo waxa ay furaan rasaas sababta waxyeela gaarta dadka shacabka ah.

AMISOM oo qiratay in ay dad shacab ah ku dishay degmada Hurwaa ee gobolka Banaadir!

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More