Browsing Tag

xoogan

Faahfaahino kasoo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Baledweyne

 Axad, Juun, 30, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xoogan oo jugtiisa si weyn looga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne oo ka dhacay xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Baledweyne.Qaraxaan oo dhacay gabal dhacii maanta ayaa lasoo warinaya inuu ka dhacay meel u dhaw Xero ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku lahayeen Xaafada Howlwadaag.Inta la xaqiijiyay ilaa laba ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari ayaa ku geeriyooday qaraxaan oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin nooca uu…

Dagaal xoogan oo dib uga qarxay bariga gobolka Mudug

 Khamiis, Juun, 27, 2024 (AX) - Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay uu halkaas dib uga qarxay dagaal beeleed xoogan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda beelaha Sacad iyo Leelakase.Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeya labadaan maleeshiyo beeleed inuu ka qarxay sadax oo hoostaga magaalada Galdodob ee gobolka Mudug.Dagaalka ayaa lasoo warinayaa inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, hayeshee…

Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay khasaaraha ka dashay roob xoogan oo Muqdisho ka da’ay

 Isniin, Juun, 24, 2024 (AX) - Inta la xaqiijiyay laba caruur ah ayaa ku geeriyootay roob xoogan oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ka da'ay gudaha magaalada Muqdisho10 saacadood oo xiriir ah.Roobkaan oo ahaa kii ugu xoogana ee ka da'a mudooyinkaan dambe gudaha magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, burburka guryo iyo wadooyin muhiim ahaa.Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in roobkii shalay ka’ay magaalada Muqdisho uu sababay geerida labo…

Barakac xoogan oo maalintii labaad ka socda magaalada Baledweyne

Jimco, April, 3, 2024 (AX) - Waxaa sii kordhaya dadka isaga barakacaya qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib daadad ka dhashay roobab saacado badan ka da'ay gudaha iyo daafaha magaaladaas oo ku soo rogmaday xaafadaha qaar.Meelaha wali ay ka socdaan barakaca xoogan ayaa ka mid ah xaafada Kooshin, gaar ahaan laamaha Raadeerka iyo Kutiimbo oo ahaa neelaha sida weyn ay u saameeyeen daadadka ku soo rognaday gudaha magaalada Baledweyne.Qoysaska maanta ka barakacaya xaafadahaas ayaa 24 kii…

Daadad oo kusoo rogmaday gudaha Magaalada Baledweyne oo sababay barakac xoogan

Khamiis, May, 2, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya roobab xoogan oo ku dhawaad 5 saacadood oo xiriir ah ka da'ay Xalay gudaha iyo daafaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.Roobka oo ahaa mid xooganaa ayaa sababay in laga barakaco xaafado ka tirsan magaalada Baledweyne, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Raadeerka oo ka mid ah Xaafada Kooshin, kadib markii ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo ka yimid Waadiyaasha mara duuleedka magaalada Baledweyne.Qaar ka mid ah qoysaska degan xaafadaha Kutiimbo iyo…

Hay’adda SODMA oo digniin culus kasoo saartay roobab xoogan oo dalka ka da’i doona Isbuucaan gudahiisa

Talaado, April, 23, 2024 (AX) - Iyadoo roobabka Guga ay ka curteen inta badan gobolada dalka ayaa hadana, hay'adda maareynta iyo musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA waxay soo saartay digniino ku aadan roobab xoogan oo dhamaadka bishaan ka da'aya gobolada dalka. Hay'adda ayaa tilmaamtay in roobabka la filayo todobaadkaan iney ka da'aan gobolada dalka iney sameyn karaan daadad iyo fatahaado saameyn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunyadaba. SODMA ayaa si gaar ah ugu digtay dadka ku nool agagaarka wabiyada…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More