Browsing Tag

Soomaaliya

Wasiir Juxa: Soomaaliya, maanta ayay kasii kala qeybsanaan badan yahay labo sano ka hor

 Arbaco, May, 15, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayay maanta u buuxsantay muddo labo sano ah oo uu dalka hoggaaminayo, lagasoo bilaabo markii xilkaan loo doortay 15-kii bishii May ee sanadkii 2022.Wasiirka arrimaha gudaha Waqooyi Bari, Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa isagoo taas ka falceilnaya wuxuu boggiisa Twitterka kusoo qoray, in labada sano ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu dalka hoggaamiyo uu dalku galay kala qaybsanaan weyn."Marka loo eego labada sano ee madaxweyne Xasan Sheikh,…

James Swan oo mar kale loosoo magacaabay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

 Arbaco, May, 15, 2024 (AX) - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa  James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka u maagacaabay inuu noqdo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).Mr. Swan ayaa u shaqayn doona sidii Ergeyga Gaarka ah muddo ku meel gaar ah ka dib bixista Catriona Laing oo ahayd ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taasoo dhawaan xafiiska ka tagaysa, ka dib muddo hal sano ah oo ay xafiiska joogtay.Mr. Swan waa dublamaasi waayo arag…

Soomaaliya oo Baxreyn uga qeyb gashay Shirka Wasiirada Maaliyadda ee Jaamacadda Carabta

 Isniin, May, 13, 2024 (AX) - Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay magaalada Manama.Kalfadhigan oo ay isugu yimadeen wasiirrada maaliyadda ee dalalka Carabta, ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah oo looga gol-leeyahay xoojinta xiriirka dhaqaale iyo kobcinta kobaca xasilloon ee gobolka.Ajandaha ugu sarreeya ayaa ahaa kobcinta dadaallada iskaashiga ah ee lagu xoojinayo dhaqaalaha waddamada…

Wasiir Fiqi: Waxaan kursiga AU-da kula tartamaynaa Raila Odinga oo doonaya in Soomaaliya ay kala go’do

 Sabti, May, 11, 2024 (AX) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya in ay ka go’an tahay inay u tartanto doorashada kursiga guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.  Wasiirka arrimaha dibbada, ayaa sheegay, tartankaan inuu yahay fursad weyn oo Soomaaliya aan soo maridoonin afartanka sano ee soo socda.Sidaas awgeed, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay wax walba ku bixinayso sidii ay ugu guulaysan lahayd kursigaas muhiimka ah.Wasiir Fiqi waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si…

Xasan Sheikh: Soomaaliya waxay diyaar u tahay dhammaan fursadaha diblumaasiyadeed ee lagu xalin karo ismariwaaga Itoobiya

 Sabti, May, 11, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay raacdo dhammaan fursadaha diblumaasiyadeed ee lagu xalin karo ismariwaaga kala dhaxeeya Itoobiya. Hogaamiyaha Soomaaliya wuxuu sheegay haddii taas la waayo  in Soomaaliya ay diyaar u tahay dagaal, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo nabad ku wada noolaanshaha balse aan waxba loo dhimin midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Soomaaliya.Hogaamiye Xasan Sheikh ayaa ugu baaqay dadka…

Qaramada Midoobay oo wada hadalo ku saabsan mustaqbalka xafiiskeeda UNSOM kula jirta dowladda Soomaaliya

 Jimco, May, 10, 2024 (AX) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay, in ay wada hadalo kula jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii Soomaaliya ay dalbatay in meesha laga saaro jiritaanka xafiiska (UNSOM).Afhayeenka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Ari Gaitanis, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay raacaan tilmaamaha Golaha Ammaanka, wuxuuna xusay inay mar walba ka go’an tahay inay iskaashi la yeeshaan oo ay taageeraan dowladda Soomaaliya. Ari Gaitanis wuxuu sheegay, in labo…

Khabiirka xaquuqul insaanka Soomaaliya oo walaac ka muujisay khilaafka wax ka beddelka dastuurka dalka

 Jimco, May, 10, 2024 (AX) - Khabiirka Madaxa Banaan ee QM ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Isha Dyfan oo soo gabagabeysay booqashadeedii saddexaad oo ay ku tagtay Soomaaliya, ayaa muujisay welwel ku saabsan is-afgarad la'aanta wax ka beddelka lagu sameeyay cutubyada dastuurka dalka.Isha Dyfan, waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan wadahadalada si loo ilaaliyo horumarka kor loogu qaadayo dimuqraadiyadda, ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.Khabiirka Madaxa bannaan ayaa…

Faahfaahin ku saabsan sababta Soomaaliya aysan u doonayn sii jiritaanka xafiiska UNSOM

 Khamiis, May, 9, 2024 (AX) - Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay in aan dib loosoo cusboonaysiin waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).Xukumadda Soomaaliya ayaa doonaysa in laga guuro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), loona guuro Xafiiska Qaramada Midoobay ee caadiga ah.Isbadalkan ayay dowladdu sheegtay inuu qeyb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo Soomaaliya ay ku dooneyso in ay isku waafajiso qaab dhismeedka xiriirka…

Xukumadda Soomaaliya oo ka codsatay Qaramada Midoobay in la joojiyo shaqada xafiiska UNSOM

 Khamiis, May, 9, 2024 (AX) - Xukumadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay Joojinta Shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta ee Soomaaliya (UNSOM).Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda dowladda, waxayna dowladdu sheegtay inay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.“Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada…

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya : 27 Milyan oo Doollar oo koror ah ayuu sameeyay dakhliga Xukumadda 4-ta Bilood ee lasoo dhaafay

Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Bixi Imaan Cige oo maanta shir jaar'id ku qabtay magaalada Muqdisho  ayaa ka hadlay horumarka ay dowladdu ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda dalka iyo horumarka laga sameeyay arrimaha dhaqaalaha iyo sare uqaadidda dakhliga gudaha dalka.Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in afartii bilood ee la soo dhaafay Wasaaradda Maaliyadda ay horumar wayn ka samayay kordhinta dakhliga gudaha ee dalka, dib-u-habeynta dhanka sharuucda hannaanka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More