Browsing Tag

Bardaale

Taliyahii Booliiska degmada Bardaale oo ku geeriyooday dagaal maanta ka dhacay degmadaas

Sabti, Juun, 1, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo barqanimadii maanta ku dhexmaray gudaha degmada Bardaale ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed hubeysan.Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Bardaale ee gobolka Baay Cali Boorow iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iney ku geeriyoodeen dagaalkii maanta ka dhacay gudaha degmadaas.Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii…

Faahfaahino kasoo baxay dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Bardaale

 Sabti, Jun, 1, 2024 (AX) - Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo maleeshiyo beeleed ah.Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka maleeshiyo beeleedka ah ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo gudaha magaaladaasi ay ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.Dad ku sugan gudaha degmada Bardaale ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u…

Alshabaab oo weerar gaadmo ah kusoo qaaday degmada Bardaale ee gobolka Baay

 Jimco, May, 24, 2024 (AX) - Ugu yaraan saddex askari oo katirsan ciidanka dowladda ayaa ku dhaawacmay weerar gaadmo ah oo ay xalay degmada Bardaale ee gobolka Baay kusoo qaadeen dabley katirsan kooxda Alshabaab.Taliyaha qeybta booliiska gobolka Baay ayaa sheegay inay ciidamadu iska caabiyeen weerarka Alshabaab, isagoo sheegay inay horey u hayeen xogta weerarka.Waxa uu sheegay in dhankooda uusan jirin khasaare dhimasho ah oo weerarkaas kasoo gaaray, isagoo sheegay in ciidamada ay ku raad joogaan kooxdii weerarka soo…

Ciidamada Amaanka Koonfur Galbeed oo howlgalo lagu qaaday isbaaroyin ka sameeyay degmada Bardaale

 Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta ku guuleystay iney qaadaan isbaarooyin badan oo yaalay gudaha degmada Bardaale ee gobolka Baay oo gaarayay ilaa 10 jidgooyo.Ciidamada amaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmahii lasoo dhaafay gudaha degmadaas ka waday howlgalo ay ku doonayeen iney ku qaadaan isbaarooyinka u  yaalay gudaha degmadaas maleeshiyaad hubeysan oo deegaankaas kasoo jeeda.Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Baay oo ku sugan degmada Bardaale ayaa sheegay inaan loo…

Xildhibaano si kulul uga hadlay dil maanta loogu geystay degmada Bardaale Malaaq caan ahaa

 Isniin, April, 6, 2024 (AX) - Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul uga hadlay weerar maanta lagu dilay Malaaq Manuur Yuusuf Maxamuud oo ahaa Malaaqa guud ee beesha Leysaan.Malaaq Manuur Yuusuf ayaa la sheegay in dilkiisa ay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan degmada Bardaale, kuwaas oo ku weeraray hoyga uu ka dagan yahay Malaaqa degmada Bardaale ee gobolka Baay.Xildhibaan Maxamed Abuukar oo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More